Wararka
Wasiirka Caafimaadka oo ka qayb qaatay ololaha tallaalka dabaysha

Xayeysiis
Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa ka qayb qaatay ololaha qaran ee tallaalka cudurka dabaysha, isaga oo si toos ah u booqday guryaha iyo goobaha ay bulshada ku nooshahay ee magaalada Muqdisho, isla markaana garaacay albaabada guryaha si uu bulshada ugu baraarujiyo muhiimadda tallaalka iyo doorka uu ka qaadanayo ilaalinta caafimaadka carruurta.
Wasiirka oo ay wehliyaan qaar ka mid ah agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka iyo wakiillo ka socday UNICEF, ayaa intii uu socday ololaha la kulmay waalidiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo ku boorriyay inay si buuxda uga faa’iideystaan fursadda tallaalka, carruurtoodana u oggolaadaan inay qaataan tallaalka dabaysha, maadaama uu yahay difaaca ugu muhiimsan ee looga hortagi karo cudurkan halista ku ah caafimaadka iyo mustaqbalka carruurta.
Wasiirka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in ciribtirka cudurka dabayshu uu u baahan yahay iskaashi iyo wadajir ay muujiyaan dowladda, bahwadaagta caafimaadka, waalidiinta iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed. Waxa uu xusay in wacyigelinta tooska ah ee bulshada iyo gaarsiinta adeegyada tallaalka guri kasta ay muhiim u yihiin guusha ololaha.
Ololahan ciribtirka cudurka dabaysha ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo lagu xoojinayo adeegyada tallaalka laguna ilaalinayo caafimaadka carruurta Soomaaliyeed.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa ugu baaqaysa dhammaan waalidiinta iyo bulshada Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan kooxaha tallaalka, albaabadoodana u furaan, si ilmo kasta uu u helo tallaalka, loona xaqiijiyo bulsho ka caafimaad qabta cudurka dabaysha.







