Gudaha
Wasaaradda Caafimaadka oo daahfurtay Barnaamijka Spark NCD

Xayeysiis
Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray barnaamijka SPARK-NCD, kaas oo diiradda saaraya xoojinta la-socodka, iyo ururinta xogta cudurrada aan faafin.
Barnaamijkan ayaa ujeeddadiisu tahay in la helo xog rasmi ah oo la isku halleyn karo oo ku saabsan cudurrada aan faafin, sida sonkorowga, cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga, kansarka, cudurrada neef-mareenka ee daba-dheeraada iyo xanuunnada kale, si xogtaas loogu saleeyo qorsheynta iyo go’aan-qaadashada adeegyada caafimaadka.
Mashruuca SPARK-NCD waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka xfs iyo Xarunta Xakamaynta iyo Ka-hortagga Cudurrada Afrika (Africa CDC), iyadoo ujeeddadu tahay xoojinta awoodda shaqaalaha caafimaadka, horumarinta nidaamyada xog-ururinta iyo la-socodka cudurrada aan faafin.





