Wararka
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug oo furay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo xirfadaha xildhibaannada

Galmudug(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug Xuseen Maxamed Nuur (Dhagawayne) ayaa si rasmi ah u furay tababar ku saabsan kobcinta awoodda iyo xirfadaha shaqo ee Xildhibaannada iyo hawlwadeennada Golaha Wakiillada.
Tababarkan oo uu bixinayo khabiir sharci, Abuukaate Cali Sheekh Aadan Yuusuf, ayaa diiradda lagu saarayaa kor u qaadista aqoonta sharciyeed, xirfadaha shaqo iyo awoodda hay’adeed ee Golaha.
Ujeeddada tababarka ayaa ah xoojinta hufnaanta iyo tayada shaqo ee Golaha Wakiillada, si loo horumariyo gudashada waajibaadka dastuuriga ah iyo howlaha maalinlaha ah ee hay’adda sharci-dejinta Galmudug.




La wadaag



