Gudaha
Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka oo kormeer shaqo ku tegay Saldhigga Balidoogle

Muqdisho,(SONNA):- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Saldhigga Balidoogle, Intii uu ku guda jiray booqashadiisa, Taliyaha ayaa kormeer ku tegay Dugsiga Tababarka G/le Xasan Tuure ee Ciidanka XDS, halkaas oo ay tababar ku qaadanayaan dufcaddii 12-aad ee Kumaandooska Danab.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa kormeeray xeryaha Cutubka Gaarka ah ee Danab iyo Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Xoogg Dalka Kormeerkaasi wuxuu qeyb ka ahaa dhiirrigelinta ciidamada geesiyaasha ah ee loo diyaariyey difaaca dalka iyo la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta.
Taliyaha ayaa hambalyo u diray saraakiisha ka tirsan Cutubyada gaarka ah ee Danab oo dhowaan loo dallacsiiyey darajooyinka kala duwan, isagoo ku boorriyey inay sii laba jibbaaraan gudashada waajibaadkooda qaran iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed.





















