Gudaha
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan xog-wareysi ah la yeeshay arday ka kala socday dalal kala duwan

Croatia,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa kulan la yeeshay arday ka kala socday in ka badan 30 dal, intii uu ku kuda jiray ka qeybgalka Madasha Dubrovnik.
Kulankaan oo ay fududeysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Croatia ayaa yimid kadib markii ardaydu xiise gaar ah u muujiyeen hadalladii Wasiirku ka jeediyay dood ku saabsan amniga badda.
Ardaydu waxay Wasiirka weydiiyeen su'aalo la xiriira horumarka Soomaaliya, muhiimadda juqraafiyeed ee dalka, xubinnimada Bulshada Bariga Afrika (EAC), iyo sahminta shidaalka iyo gaaska badda.<br>Waxay si gaar ah u muujiyeen Ardayda xiisaha ay u qabaan fursadaha tamarta ee Soomaaliya iyo doorka ay ku yeelan karto kobaca dhaqaalaha iyo soo jiidashada maalgashiga.
Wasiir Cabdisalaan ayaa sheegay sida Dowladda Soomaaliya uga go'an tahay horumar waara, maareyn khayraadka dabiiciga ah, iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.









