Muqdisho(SONNA):-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Yuusuf Cali Maxamed, ayaa shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay xoojinta ilaalinta carruurta Soomaaliyeed iyo ka hortagga in loo adeegsado colaadaha hubeysan ama askareynta.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta hirgelinta Mabda’a Vancouver, oo ah hannaan caalami ah oo lagu xoojinayo tallaabooyinka looga hortagayo ka faa’iidaysiga carruurta xilliyada colaadaha hubeysan.
Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah loo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa hay’adaha dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan hay’adda Save the Children, si loo hirgeliyo siyaasadaha iyo qorshayaasha lagu ilaalinayo xuquuqda carruurta Soomaaliyeed.
Kulanka waxaa ka qeyb galay xubnaha Kooxda Shaqada ee Ilaalinta Carruurta Xilliyada Colaadaha Hubeysan (CAAC Working Group), oo ay ku jireen wakiillo ka socday Wasaaradda Amniga Gudaha, Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
