Muqdisho,(SONNA):- Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Danjire Hodan Cismaan Cabdi, oo ay wehelinayaan saraakiisha Safaaradda, ayaa maanta kulan soo dhoweyn iyo is-xog waraysi ah kula yeeshay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Beijing wafdi ka socda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka koobna Xildhibaanno, Seantaoro iyo howlwadeenno ka kala socday labada Aqal, kuwaas oo howlo shaqo u yimid Shiinaha.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha, kor u qaadidda wada- shaqaynta guud, iyo dardargelinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada mudnaanta leh.
Danjire Hodan ayaa wefdiga uga warrantay horumarka shiinaha, jihada iyo mudnaanta ay Safaaraddu xoogga saartay muddadii sanadkii la soo dhaafay, guulaha laga gaaray horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo dadaallada lagu ballaarinayo iskaashiga dhinacyada maalgashiga, ganacsiga, dhaqanka iyo horumarinta hay’adaha dowladda.
Wefdiga ayaa dhankooda bogaadiyey doorka Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ku leedahay kor u qaadidda sumcadda iyo sawirka Soomaaliya ee Shiinaha, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada lagu soo jiidanayo maalgashiga iyo iskaashiga dhaqaale ee labada dal.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta Soomaaliya iyo Shiinaha, xilli labada dal ay galeen marxalad cusub oo iskaashi istaraatiiji ah.
