MUQDISHO-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa soo dhaweeyey qaraarka uu maanta ansixiyay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Turkiga, kaas oo la xariira in ciidamada badda ee Turkiga loo diro Soomaaliya.
Wasiirka ayaa ku tilmaamay inay tani ka dhigan tahay tallaabo muhiim ah oo lagu fulinayo heshiiskii iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee dhaxmaray Soomaaliya iyo Türkiye.
“Turkiga iyo Soomaaliya kama shaqeynayaan oo keliya xasilinta biyaha xeebaha Soomaaliya, laakiin sidoo kale waxay kobcinayaan iskaashi muujinaya sida ay uga go’an tahay nabadda iyo amniga gobolka iyo xoojinta dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada, burcad-badeedda, ka ganacsiga hubka sharci darrada ah iyo khataraha kale” ayuu yiri wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur.
Maraakiibta Ciidanka Turkiga ayaa la filayaa inay soo gaaraan Xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo joogi doona muddo laba sano ah.