Dhuusamareeb (SONNA): Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug soo gaarsiiyey Kaararka codbixiyaasha hore loo diiwaangeliyey, si la isugu diyaariyo doorashada tooska ah ee golayaasha deegaanka.
Cismaan Geelle Jaamac oo ka mid ah hawlwadeenada guddiga ayaa sheegay in kaararka codbixiyaasha laga qaybindoono degmooyinka Dhuusamareeb, Guriceel, Xeraale, Xarardheere, Cadaado iyo Gaalkacyo.
Guddiga ayaa hore doorasho toos ah uga qabtay gobolka Banaadir dhamaadka sanadkii 2025, haatana waxaa la diyaarinayaa doorashooyinka dowladaha hoose ee dowlad goboleedyada.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada dowladda FS Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo la dardaarmay xildhibaannada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir ayaa ku adkeeyey inay ka shaqeeyaan danta guud “Ogaada, qabiil idin ma dooran, ka war qaba dadkii qoraxda idiin taagnaa ee idin doortay.” ayuu yiri wasiir Faarax.
