Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda
    May 12, 2026
    Agaasimaha SONNA oo shir caalami ah uga qaybgalaya Masar
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Shir muhiim ah oo ku Saabsan Maaliyadda Cimilada Cagaaran oo Lagu Soo Gabagabeeyay Kigali
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shir muhiim ah oo ku Saabsan Maaliyadda Cimilada Cagaaran oo Lagu Soo Gabagabeeyay Kigali
GudahaWararka

Shir muhiim ah oo ku Saabsan Maaliyadda Cimilada Cagaaran oo Lagu Soo Gabagabeeyay Kigali

By Dahir Aadan Cali
Last updated: February 15, 2026
2 Min Read
Share

Kigali,(SONNA):- Waxaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda lagu soo gabagabeeyay shir muhiim ah oo ku saabsan Cimilada Cagaaran iyo is dhaafsiga aqoonta iyo khibradaha hannnaanka Maaliyadda cimilada.

Shirka ayaa intii uu socday diiradda lagu saaray hirgelinta hannaan maaliyadeed oo cimilada ah oo qaran oo Dowladda Soomaaliya hogaamiso, isla markaana si waafaqsan uga shaqeeya dhammaan hay’adaha iyo heerarka dalka (whole-of-country approach).

Shirkaan oo ay martigelisay Hey’adda Cimilada Qaran ee dalka Rwanda (Rwanda Green Fund) ayaa sidoo kale ka qeybgalayasha isku dhaafsadeen dooddo wax ku ool ah oo ku aadan hannnaanka Maaliyadda cimilada Cagaaran, is dhaafsiga khibradaha, hirgelinta, caqabadaha jira,iyo sida dalalka Afrika ay uga faa’iidaysan karaan maalgelinta cimilada Maaliyadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shir ku soo bandhigtay sida ay horumar la taaban karo uga samaysay hirgelinta iyo tallaabooyinka wax ka qabashada isbeddelka cimilada iyo maalgelinteeda mudnaanta qaran ee ku xusan aragtida Qaran ee 2060, Qorshaha Isbeddelka Qaranka (National Transformation Plan), iyo sidoo kale NDC-yada iyo NAP-yada.

Wafdiga Soomaaliya ee shirka ka qeybgalay ayaa waxaa hoggaaminayay Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya (NCF) Mudane Liibaan Cabsiiye iyadoo ay wehlinayeen xubno sare oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Bangiga Horumarinta Soomaaliya.

Wafdiga Soomaaliya ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Kgali, Agaasimha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Cimilada ee dalka Rwanda, Marwo, Teddy Mugabo iyo Mudane, Félix Yvan Rugwizangoga Madaxa Istaraatiijiyadda ee Sanduuqa Cagaaran ee Rwanda.

” Waxa aan si weyn ugu mahadcelinaynaa Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta ee Dowladda Ingiriiska, taageerada ay ka geysteen tijaabooyinka helitaanka Maaliyadda Cimilada ee Soomaaliya, iyo sidoo kale Hey’adaha DAI oo door muuqda ka qaatay abaabulka iyo fududeynta shirkaan muhiim ka
ah ee ku saabsanaa is-weydaarsigan aqooneed.” Ayuu yiri Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya Liibaan Cabsiiye.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dadaal xooggan ugu jirtaa xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha maaliyadeed ee cimilada iyo ururrada waaweyn ee ka shaqeeya arrimaha Cimilada Cagaaran, si loo dardargeliyo helitaanka iyo ka faa’iidaysiga maalgelinta cimilada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Hoggaamiyaha KMG ee SSC-Khaatumo oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho (Sawirro)

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa garoonka diyaaaradaha caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyey hoggaamiyaha…

GudahaWararka
May 14, 2024

Mexico :39 qof oo ku dhintay xarun lagu haayo dadka tahriibka ah

Ugu yaraan 39 qof ayaa dhintay,29-kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo,ka dib markii uu dab ka kacay xarun lagu hayo dadka…

Caalamka
March 28, 2023

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu xusaayay sanad guuradii 12-aad…

Gudaha
January 30, 2026

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM oo duqeymo la beegsaday dhismo ay ku sugnaayeen Kooxda Al-Shabaab.

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in ay duqeyn la beegsadeen dhismo ay argagixisadu ku leeyihiin meel ku dhow…

Wararka
February 9, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023