Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada, George Conway, ayaa guddoomiyay kulanka billaha ah oo lagu falanqeeyo xaaladaha bani’aadannimada dalka.
Kulanka oo ay ka qeyb galeen Madaxda OCHA iyo SoDMA waxaa diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee bani’aadannimo ee ka jira dalka, iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada gargaarka si wax looga qabto baahiyaha bulshada nugul.
Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xusay muhiimadda uu kulankani u leeyahay isku-duwidda iyo dardargelinta howlaha bani’aadannimo ee dalka, isagoo adkeeyay baahida loo qabo iskaashi joogto ah si loo gaarsiiyo gargaar wax ku ool ah dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka kala duwan.
