Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay guddiga sare Sanduuqa Qaranka ee maareynta khataraha Masiibooyinka, taas oo qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo ka jawaabista musiibooyinka dabiiciga ah iyo taageeridda barnaamijyada ka hortagga iyo u diyaar-garowga aafooyinka.
Sida lagu sheegay Wareegtada, magacaabistan waxay waafaqsantahay qodobka 9-aad ee xeer nidaamiyaha Sanduuqa Qaranka ee maareybta khataraha Masiibooyinka, kaas oo lagu soo saaray xeer Ra’iisul Wasaare oo tirsigiisu yahay (197/2026), kuna taariikhaysan 8-da Febraayo 2026.
Guddiga waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali, halka Wasiirka Maaliyadda, Biixi Iimaan Cige, loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka guddiga.
Xubnaha guddiga waxaa ka mid ah Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Xasan Xuseen Maxamed, Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Jamaal Maxamed Xasan, iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xirsi Jaamac Gaani.
Sidoo kale guddiga waxaa ku jira Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed, Maxamuud Macallin Cabdulle, Guddoomiye ku xigeenka Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad, iyo guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo gargaarka Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdi Baari.
Xubnaha kale waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aadan, Guddoomiyaha hay’adda “Hormuud Salaam Foundation” Cabdullaahi Nuur Cismaan, iyo laba haween ah oo matalaya ururrada bulshada rayidka ah kuwaas oo kala ah Maryan Taqal Xuseen iyo Duniyo Maxamed Cali.
Waxaa sidoo kale Cabdullaahi Maxamuud Diiriye loo magacaabay xoghayaha guddiga isaga oo ah agaasimaha Sanduuqa Qaranka ee maareynta Khataraha Masiibooyinka.
Guddigan sare ayaa noqon doona hay’adda kormeeraysa maamulka sanduuqa Qaranka, iyadoo ay waajibaadkooda ka mid yihiin hagidda hawlaha sanduuqa iyo la socodka barnaamijyada iyo mashaariicda loogu talagalay yareynta khataraha musiibooyinka iyo kor u qaadidda awoodda bulshada ee la qabsiga iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah iyo dhibaatooyinka.