Muqdisho (SONNA): Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Korneyl Mahdi Cumar oo shir jaraa’id ku qabtay guriga Xildhibaan Jacfar oo laga saaray maleeshiyaadkii ka dhex-dagaalamayey ayaa digniin u diray dadka ku howlan qalqal-gelinta amniga Caasimadda Muqdisho.
Gurigaas ayaa lagu soo bandhigay hub culus oo nuucyo kala duwan ah iyo hubka fudud, ka dib markii hub-kadhigis lagu sameeyey maleeshiyadii halkaas ka dagaalamaysay.
Macalin Mahdi ayaa digniin u diray maleeshiyaadka amniga caasimadda doonaya inay qalqal geliyaan, waxaana uu kuwa haray u diray farriin ah inay saacadaha soo socda isi soo dhiibaan, haddii kale ciidamadu ay amar buuxa u qabaan inay hubka ka dhigaan.