14 qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Indonesia

La wadaag cid kale

Indonesia.(SONNA):- Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhaawacmay, qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay albaabka Kaniisad ku taal magaalada Makassar ee  dhacda koofurta Indonesia.

Wararku waxey intaas ku darayaan in hal qof ku dhintay qaraxa oo dhacay subaxnimadii maanta.

Afhayeenka laamaha amniga ee dalkaas ayaa u sheegay warbaahinta in dadkii dhaawacay oo ay ku jiraan ilaaladii kaniisadda, loo qaaday xarumaha caafimaadka si loo daweeyo.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in laba qof oo watay mooto ay isku dayeen inay xoog ku galaan kaniisadda, markii loo diidayna mid ka mid ah is qarxiyay.

Guddomiyaha magaalada Makassar Maxamed Bomanto ayaa ugu baaqay shacabka inay is dejiyaan, isagoo ballan qaaday in ciidamada ammaanku  qaadi doonaan tillaabo lagu sugaayo amniga magaalada.

La wadaag cid kale