Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 2, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini
    June 1, 2026
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
GudahaWararka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

By Mohamed Abdirahman Sheikh
Last updated: June 2, 2026
3 Min Read
Share
Muqdisho, Soomaaliya –1 Juun 2026 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka & Suugaanta iyo Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), ayaa maanta ku qabatay xarunta Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga munaasabad lagu daahfurayay Ereybixinta Amniga Saaybarka, taas oo ujeeddadeedu tahay horumarinta iyo mideynta ereyada Af-Soomaaliga ee la xiriira Amniga Saaybarka.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socday hay’adaha dowladda, aqoonyahanno, khubaro dhanka luuqadaha ah, xeeldheereyaal teknoolojiyadeed iyo Amniga Saaybarka, iyo marti sharaf kale.
Munaasabadda furitaanka waxaa ka hadlay Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Cabdifitaax Axmed Abuukar (Foodcade), oo ka hadlay baahida loo qabo in Af-Soomaaligu la jaanqaado horumarka teknoolojiyadda casriga ah.
“Afku waa hoyga aqoonta. Haddii afkeenna aanu la jaanqaadi karin horumarka teknoolojiyadda, casriga ah waxaa adkaanaysa in bulshada si buuxda uga faa’iidaysato isbeddellada cusub. Ereybixintani waxay qayb ka tahay dadaallada lagu kobcinayo Af-Soomaaliga, tayeynta adeegyada dowladda iyo wacyigelinta bulshada,” ayuu yiri Mudane Cabdifitaax Axmed Abuukar (Foodcade).
Prof. Cabdalla Cumar Mansuur, Ku-simaha Guddoomiyaha Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), ayaa ka hadlay muhiimadda ereybixintu ay u leedahay horumarinta afka iyo cilmiyeyntiisa, isaga oo tilmaamay in mideynta ereyada cusub iyo ka faa’iidaysiga dadaalladii hore ee horumarinta Af-Soomaaligu ay muhiim u yihiin kobcinta iyo horumarinta afka.
“Ereybixintu waa waxa afka ka dhigaya mid cilmiyeed. Marka ereyo cusub la sameynayo waxaa muhiim ah in la mideeyo, laga fogaado tarjumaad xarfi ah, isla markaana laga faa’iidaysto dadaalladii hore ee lagu horumarinayay Af-Soomaaliga. Taasi waxay xaqiijinaysaa in afku sii ahaado mid la jaanqaadi kara aqoonta iyo culuumta cusub.” ayuu yiri Prof. Cabdalla Cumar Mansuur.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh , ayaa sheegay in dadaaladan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo adeegsiga Af-Soomaaliga ee Amniga Saaybarka.
“Helitaanka ereybixin mideysan oo af-Soomaali ah waxay fududeyn doontaa diyaarinta sharciyada, siyaasadaha, qoraallada cilmiyeed iyo agabka wacyigelinta ee la xiriira amniga saaybarka. Waxa kale oo ay ka caawin doontaa ardayda, waalidiinta iyo bulshada inteeda kale inay si fudud u fahmaan fikradaha iyo khataraha la xiriira dunida dhijitaalka ah,” ayuu yiri Mudane Mustafa
Mudane Mustafa ayaa sidoo kale xusay in ereybixintani ay fududeyn doonto tarjumaadda maqaallada cilmiyeed, buugaagta iyo agabka kale ee teknoolojiyadda, taas oo kor u qaadi doonta helitaanka aqoonta iyo ka qeybgalka bulshada ee arrimaha dhijitaalka ah.
Daahfurka Ereybixinta Amniga Saaybarka ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo Af-Soomaaliga, laguna xoojinayo adeegsigiisa dhinaca amniga saaybarka, si bulshada Soomaaliyeed ay si sahlan ugu fahmi karto ugana faa’iidaysan karto fikradaha iyo erayada cusub ee la xiriira teknoolojiyadda casriga ah.
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Muqdisho, Soomaaliya –1 Juun 2026 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka…

June 2, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Fiqi oo ka hadlay wada hadallada Soomaaliya iyo Ethiopia 

Muqdisho(SONNA]:-Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo wareysi siiyay warbaahin Qaranka oo xog cusub ka bixiyey…

GudahaWararka
November 9, 2024

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo war ka soo saartay Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Dalka Sucuudiga

Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaan u yahay Wasiir Xassan Macallin Maxamuud, waxay si dhaw…

GudahaWararka
February 21, 2025

Safiiradda Soomaaliya iyo Sucuudiga u fadhiya koonfur Afrika oo kulan wada qaatay

Pretoria(SONNA):-Waxaa Maanta Booqasho Sharafeed Ku yimid Xarunta Safaarada Soomaaliya Ee Dalka Koonfur Afrika Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee dalka Koonfur…

GudahaWararka
January 16, 2026

Guddoomiye Timacadde oo qaabilay xildhibaanada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka (EAC)

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiye ku xigeenka labaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta xarunta Aqalka Sare ku…

GudahaWararka
October 18, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023