Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya Iyo Dowladaha Xulafada la ah oo Cambaareeyay tallaabada Israa’iil ee Somaliland
    April 18, 2026
    Wasiir ku-xigeenka cusub ee Waaaaradda Qorsheynta XFS oo xilka la wareegay
    April 18, 2026
    Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka oo xilka la wareegay
    April 18, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qoyska oo shir muhiim ah kaga qeyb gashay Lesotho
    April 18, 2026
    Guddoomiye Abshirow oo khudbad ka jeediyay shirweynaha Baarlamaanada Adduunka
    April 18, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: 21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > 21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
GudahaMaqaallada

21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya

By Kulane
Last updated: January 21, 2026
5 Min Read
Share

Af Soomaaligu wuxuu ka mid yahay luuqadaha Geeska Afrika looga hadlo kuwa dadka ugu tirada badan ay ku hadlaan. Dadka Soomaaliyeed ee ku hadlana waxay ku dhaqan yihiin deegaan ballaaran oo u dhexeeya gacanka Tojorra ilaa iyo webiga Tana ee Waqooyiga Kenya.

Inkastoo af Soomaaligu ay ku hadlaan dad tiradaas lehi ee ku baahsan dhulka baaxadaas leh, haddana qoraal rasmi ah oo ay dadka Soomaalidu ku dhaqmaan ma jirin. Muddadii intaas ka horreysay qoraallada ay dadweynaha Soomaaliyeed ku wada xiriiri jireen waxay ahaayeen luqadaha Carabiga, Ingiriisiga iyo Talyaaniga.

Bishii Oktoobar 21keedii, sannad guuradii saddexaad ee Kacaankii Oktoobar sanadkii 1972kii ayuu Guddoomiyihii Golihii Sare ee Kacaanka Jaalle Maxamed Siyaad Barre ku dhawaaqey go’aanka ah in farta Laatiinka loo isticmaali doono qoraalka farta Soomaaliga, iyadoo wax yar oo isbeddel ah lagu sameeyey nidaamka erayada loo kala qeybinayo.

Bishii Jannaayo 21keedii 1973dii, sanad kaddib markii lagu dhawaaqay qoraalka afka Soomaaliga ayay ahayd markii ugu horreysay ee uu dalka ka soo baxo wargeys ku hadlaya Afka Soomaaliga, maalintaasaana loo asteeyay iney noqoto maalinta warfaafinta Soomaaliyeed.

Wargeyskii xiddigta Oktoobar oo ku qoran af Soomaali ayaa subaxdaas lagu waabariistay iyaodoo farxad darteed qof walba uu sito nuqul ka mid ah wargeyskaas. Ma rabo inaan taariikhda dheer ee qoraalka iyo wargeysayada Soomaaliya hadda u guda galo, hase ahaatee wargeyska Xidigta Oktoobar oo maalintaas ku soo baxay af Soomaali, wuxuu ku soo bixi jiray afafka Taliyaaniga iyo Ingiriisiga, waxaana soo saari jirtay wasaaradda warfaafinta.

Wargeyskan kahor intaan lagu qorin Af Soomaaliga waxaa la dhihi jiray Stella d`Ottobre waxaana la soo saaray markii uu curtay Kacaankii Oktoobar 1969kii, wuxuuna ku ekaa 1973dii markii magaciisa laga dhigay Xiddigta Oktoobar af Soomaalina lagu qoray. Wargeyskan wuxuu lahaa qayb Ingiriisi ah oo ay isku mar soo wada baxeen 1969kii, hase ahaatee sanad kaddib istaagay 1970ki. Wargeyskan inta uusan Kacaanku la wareegin waxaa la dhihi jiray Corriera della Somaliya wuxuuna ku soo bixi jiray afka Taliyaaniga, wuxuuna soo bilaabmay 1950kii, wuxuuna socday ilaa 1969kii ee uu Kacaanku la wareegay.

Markii haddaba uu bilowday wargeys ku hadla afka Soomaaliga ayaa waxaa iyana kordhay dadkii wax ku qorayay af Soomaaliga. Taasina waxay keentay inuu kobco af Soomaaligii oo ay soo baxaan ereyo badan oo loo adeegsado xafiisyada, dugisyada iyo Warbaahinta. Warbaahintu waxay u ahayd macallin bulshada, waxay mar walba soo saareysay ereyo af Soomaali ah oo loo adeegsado dhinacyo badan ee nolosha ah.

Ereyadii waagaas ay warfaafintu sameysayna ilaa iyo maanta waa kuwa loo adeegsado warbaahinta. Waxaase nasiib darro ah in markii uu Kacaankii meesha ka baxay uu afkii agoontoobay, siina kori waayay, iyadoo ay taasi ugu wacan tahay daryeel la`i qabsatay afkii iyo qoraalkiisii oo waayay cid halkii ka sii qaadda.

Dhallinyaradii ku soo biirtay warbaahintana ay waayeen daliil amaba hage u horseeda una tilmaama adeegsiga iyo higaadda afka Soomaaliga.

Arintani waxay keentay in qof walbaa siduu rabo uu wax u qorto, uguna hadlo. Waxaa sii lumay heerkii afka iyo qoraalkiisa, walow imin dhow ay bilaabmeen ururro iskood isu xilqaamay oo ku baraarugay iney tahay muhiim in wax laga qabto afka iyo qoraalkiisa.

Waxaase nasiib darro ah, dhallinyaradii saxaafadda meheradda ka dhigtay oo aan u soo jeedin iney hagaajiyaan aqoontooda afka iyo qoraalka Soomaaliga oo sidey rabaan wax u jacburiya, iskuna dayeyn xataa iney wax kororsadaan. Sidaas darteed waxaan rabaa inaan u sheego waayeelka warfaafinta Soomaaliyeed iyo qalinleyda aqoonta fiican iyo khibradda u leh afkan iney u huraan waqtina siiyaan dhallinyarada meherdleyda ah ee doonaya iney wax qoraan iney waqtigooda wax ka siiyaan oo ay tababarro u furaan, dhallinyaradana ay ka faaiideystaan oo ay iyaguna waqti siiyaan waa haddii ay doonayaan iney meheraddan ku shaqeeyaan bulshadana anfacaan.

Ugu dambeyntii anigoo ka faaiideysanaya munaasabaddan waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan warfaafinta Soomaaliya meel kasta oo ay dunida ka joogaan waayeelkooda iyo dhallinyaradooda, Waxaan u rajaynayaa dhamaantood xirfadleyda warbaahinta Soomaaliyeed bad qab iyo caafimaaf. Waxaan ogahay in kuwooda xirfad-yaqaanka ah, daacadda ah ee uusan saameyn eex, qabiil iyo hunguri iney ugu shaqeyn doonaan dadkooda iyo dalkooda si hufan oo waxtar u ah bulshada iyo dalka.

WQ Abuukar Xaaji Goobdoon.


Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya Iyo Dowladaha Xulafada la ah oo Cambaareeyay tallaabada Israa’iil ee Somaliland

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Pakistan, Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda…

April 18, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maamulka Beledxaawo oo sheegay in dowladda ay ku garab taagan yihiin in dalka laga difaaco cadowga Itoobiya

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Beledxaawo Cabdifataax Nuur Mataan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay…

GudahaWararka
December 9, 2024

Aqoonyahan Faysal Rooble oo faah faahiyay guusha diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya ka gaartay shirkii Ankara iyo halgankii la galay

Muqdisho.(SONNA):- Aqoonyahan Faysal Rooble oo falanqeeya arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas oo waretsi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa…

GudahaWararka
December 18, 2024

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga” “In ka badan 50 Khawaarij ah ayaa lagu dilay dagaalkii ka dhacay gobolka Hiiraan,”

Muqdisho.(SONNA):- Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Sheekh Abuukar Macallin ayaa ka warbixiyay weerar fuleynimo ah oo cadowga Khawaarijta shalay…

GudahaWararka
May 3, 2025

Wasiirka Isgaarsiinta oo Sucuudiga uga qaybgalay shir ku saabsan ammaanka Internet-ka

Riyaad (SONNA): Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Macalin ayaa ka qeybgalay shirka 2-aad ee golaha wasiirrada Ammaanka…

GudahaWararka
October 1, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023