Muqdisho(SONNA):-Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (National Climate Fund – NCF) oo kaashanaya Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha (MoEWR), isla markaana ay taageerayso Hay’adda Caalamiga ah ee Biyaha (GWPSA), ayaa si guul leh magaalada Muqdisho ugu qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha Magaalooyinka ee u Adkaysiga Isbeddelka Cimilada iyo Barnaamijka Maalgashiga Biyaha Soomaaliya (Somalia Water Investment Programme – WIP) 2026–2030.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay hay’adaha dowladda, saaxiibbada horumarinta, bulshada rayidka ah, aqoonyahanno iyo wakiillo ka socda waaxda gaarka loo leeyahay, si ay u ansixiyaan laba hindise oo muhiim u ah amniga biyaha iyo adkaysiga isbeddelka cimilada ee Soomaaliya.
Mid ka mid ah natiijooyinka ugu muhiimsan ee shirka ayaa ahaa ansixinta mashruuca “Nidaamyada Kaydinta iyo Gurashada Biyaha Roobka ee Magaalooyinka Nugul ee Soomaaliya”. kaas oo lagu qiyaasay USD 25.8 milyan.
Mashruucan waxaa laga hirgelin doonaa magaalooyinka Xuddur (Bakool), Garbahaarey (Gedo), Matabaan (Hiiraan), Dhuusamareeb (Galgaduud), Laascaanood (Sool), iyo Badhan (Sanaag).
Mashruucu wuxuu diiradda saarayaa dhismaha kaabeyaasha gurashada iyo kaydinta biyaha roobka, xoojinta nidaamyada xogta iyo saadaasha cimilada, iyo horumarinta maamulka biyaha ee heer degmo si loo yareeyo saameynta abaaraha soo noqnoqda loona hagaajiyo helitaanka biyo waara oo lagu kalsoonaan karo.
Sidoo kale, ka qaybgalayaashu waxay ansixiyeen Barnaamijka Maalgashiga Biyaha Soomaaliya (WIP) 2026–2030, oo uu hoggaaminayo MoEWR, kaas oo leh qorshe maalgashi oo lagu qiyaasay USD 232 milyan si loo taageero mashaariicda mudnaanta leh ee la xiriira biyo-gelinta, kaydinta biyaha, maareynta fatahaadaha, horumarinta biyaha dhulka hoostiisa, waraabka, nadaafadda, adkaysiga cimilada, iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah.
Shirkan ansixinta ayaa calaamad u ah tallaabo muhiim ah oo lagu hormarinayo qorshaha Soomaaliya ee maalgashiyada biyaha u adkaysi u leh isbeddelka cimilada, isla markaana la jaanqaadaya Qorshaha Horumarinta Waaxda Biyaha, Qorshaha Qaranka ee La-qabsiga Cimilada (NAP), NDC 3.0, Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo Barnaamijka Maalgashiga Biyaha Afrika (AIP).
