Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA
    May 16, 2026
    Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Caddeysay in Dalka ay ka Dhacayso Doorasho Qof iyo Cod ah
    May 15, 2026
    Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka qaybgalay Aas Qaran oo loo sameeyay saraakiil shalay ku shahiidday dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo
    May 15, 2026
    Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka hadashay howlgallo xalay ka dhacay duleedka Baydhabo
    May 15, 2026
    Soomaaliya oo dowladda Ruushka kala wareegtay shixnad gargaar raashin ah
    May 15, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Madaxweynaha JFS oo dowladda iyo shacabka Jabuuti uga mahadceliyey martigelinta shirka dhab u heshiisiinta DFS iyo Soomaaliland+sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Siyaasadda > Madaxweynaha JFS oo dowladda iyo shacabka Jabuuti uga mahadceliyey martigelinta shirka dhab u heshiisiinta DFS iyo Soomaaliland+sawirro
SiyaasaddaWararkaWargayska

Madaxweynaha JFS oo dowladda iyo shacabka Jabuuti uga mahadceliyey martigelinta shirka dhab u heshiisiinta DFS iyo Soomaaliland+sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: June 15, 2020
2 Min Read
Share

Jabuuti(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Dhab u heshiisiinta DFS iyo Soomaaliland ayaa tilmaamay maamuuska walaaltinimo ee ku xeeran wadahadalladan iyo himilada shacabka Soomaaliyeed ay u qabaan horumarka, nabadda iyo midnimada.

Madaxweynaha ayaa muujiyey ifafaalaha shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku qabaan gogosha ay fidiyeen walaalaheenna dalka Jabuuti shacab iyo dowladba, maadaama ay baal dahab ah kaga jiraan dowlad dhiska dalkeenna iyo garab istaagga shacabkeenna Soomaaliyeed.

“Labaatan sano kahor maanta oo kale, dib u curashada Qaranka cusub ee Soomaaliya waxaa lagu yegleelay halkan Carta ee Jabuuti oo uu hoggaamiye u ahaa Mudane Ismaaciil Cumar Geelle kaas oo martigaliyey shirkii dib u heshiisiinta ugu weynaa ee Soomaali loo qabto kaas oo dhabbaha u xaaray dowladihii is xig xigay ee Soomaaliya, maanta, dhab ahaantii waxaa qormeysa taariikh kale.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay garbaha ka fadhiyaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka FS Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Raiisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo heer Qaran ah ayaa la wadaagay Madaxdii kulanka ka soo qeyb gashay iyo beesha caalamka sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in wadahadal maan furan oo miro dhal ah lagu xalliyo tabashada walaalaheenna Soomaalland.

“Halkan waxaan maanta u joognaa in aan furno wadahallada taariikhiga ah ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo mudada dheer la sugayey si aan uga xaajoonno mid ka mida qodobada udub dhexaadka u ah si loo gaaro nabad waarta iyo barwaaqo ay helaan bulshadeenna.”

Madaxweyna Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Walaalkiis Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, shacabka iyo dowladda Jabuuti marti gelinta shirkan, isaga oo ku bogaadiyey Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Mudane Abiye Axmed, Safiirka Dowladda Maraykanka Mudane Doland Yamammoto, Urur Goboleedka IGAD iyo Midawga Yurub kaalintooda dhiirri gelineed ee ku aaddan qabsomidda shirkan taariikhiga.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA

Muqdisho, SONNA- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismaha…

May 16, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Machadka Cilmi-Baarista Beeraha Qaranka 

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Machadka Cilmi-baarista Beeraha Qaranka, ayaa…

GudahaWararka
November 16, 2025

Wasiir Biixi” Soomaaliya waxay mar labaad muujisay isbeddel xooggan oo dib u habeynta dhaqaalaha iyo hay’adaha maaliyadda,”

Muqdisho.(SONNA): Waxaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ku soo gebogaboobay shirka horumarinta Maaliyadda ee IMF iyo hay'adaha Dowladda, kaasoo…

GudahaWararka
March 9, 2024

Wasaaradda caafimaadka XFS oo la wareegtay agab caafimaad

Muqdisho.(SONNA):- Wasiiro Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr Maryan Maxamed Xuseen iyo Agaasimaha Guud ee Isbitaal Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir…

GudahaWararka
January 28, 2023

Madaxweynaha Mareykanka oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Joe Biden ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Danjire Daahir Xasan (Daahir Carab) oo ah Safiirka cusub…

Gudaha
September 20, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023