Muqdisho, SONNA- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, taasi oo qayb ka ah dadaallada Dowladdu ay ku horumarinayso adeegyada dhalinyarada iyo kobcinta ciyaaraha dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda a yaa tilmaamay in dhismaha casriga ah ee Wassaaradda Dhallinyaradu uu ka qiimo badanyahay dhismeyaal badan oo dowladda lagu tabarucay, halkan kan lagu dhisay dhaqaale, aqoon iyo maskax dad soomaaliyeed, waxa uuna hoosta ka xariiqay in uu astaan u yahay mudnaanta ay dowladdu siinayso awood siinta dhallinyarada Soomaaliyeed, kuwaasi oo laf dhabar u ah horumarka, nabadda iyo mustaqbalka dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay munaasabadda xarig-jarka ayaa sidoo kale, si qoto dheer uga hadlay guulaha ay dowladdu ka xaqiijisay dhinacyada amniga, dimuqraadiyeynta, hirgelinta doorashooyinka tooska ah, dhammaystirka Dastuurka iyo xoojinta dowladnimada.
Madaxweyaha ayaa tilmaamay in iyada oo laga duulayo ballamihii shacabka Soomaaliyeed laga qaaday, mudnaan gaar ah la siiyay dhammaystirka Dastuurka dalka, isla markaana ajendeyaasha dowladda Federaalka ay ku saleysnaan doonaan Dastuurka la ansixiyay, iyada oo xil-haynta hay’adaha dowladda, kala dambeynta awoodaha iyo habraacyada dowladeedba laga tixraacayo Dastuurka, si loo xaqiijiyo dowladnimo ku dhisan sharci, isla xisaabtan iyo matalaad dadweyne.
