Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY DALKA JABUUTI.
    May 8, 2026
    Soomaaliya iyo Bahrain oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Labada Dal
    May 8, 2026
    Hay’adaha cadaaladda oo xoojinaya wada-shaqeyntooda
    May 8, 2026
    Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha
    May 7, 2026
    Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Ingiriiska
    May 7, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
GudahaMaqaallada

Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)

By Kulane
Last updated: April 9, 2026
6 Min Read
Share

Muqdisho.SONNA…. Isbadalku waa wax adag, cabsi leh, khatar leh balse ay ku qasban tahay ciddii doonayso in ay horumar samayso.

Madaxwayne Dr Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu goostay in uu si dhab ah  u sameeyo isbadal saameeya xaaladda dalka, iyada oo loo marayo waddooyin adag.

Dabcan isaga oo ka faa’iidaysanaya khibradiisa uu ku kasbaday xog-ogaalnimada uu ka helay muddo xileedkiisii hore, waqti badan kuma qaadan in uu doorto meelaha ugu muhiimsan ee uu wajahayo si uu u gaaro natiijo lataabankaro una abbaaro meelaha ay tahay in uu waqtigiisa galiyo.

Sanado halgan adag ah ka dib, hadda waxaa timid xilligii natiijada, waxaan Qormadaan ku dul  istaagayaa Sadex arrimood oo ah malaha kuwa ugu waawayn uguna saamaynta badan kuwaas oo hadda natiijadoodu ay bilaabatay in ay saamayso nolosha dadka badashana hab- nololeedkii soo jireenka ahaa.

1- Amniga.

Soo celinta nabadgalyada ayuu u arkay furaha ugu muhiimsan la’aantiisna aan laga fikirikarin inta kale.

Dagaal adag oo Dawladdu ay la gashay kooxaha abuura Amni Darradda oo ay ugu horeeyaan Khawaarijta, Hubka Sharcidarada ah, iyo xoojinta hay’adaha Amniga, hadda isbadal aan lagu muransanayn ayay ku nooloonaayaan Dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan Dadka Caasimadda Muqdisho oo muddo ka badan 40 Sano dareemaya xaaladdii Amni ee ugu wanaagsanayd.

Isbadalkaas amni wuxuu kale oo saameeyay Magaalooyinka waawayn ee Dalka oo dhan oo si aad u wayn ay hoos ugu dhaceen dhibaatooyinkii xagga Amniga, dabcan sababihii keenay guusha iyo jidkii loo maray Qormo kale ayaan ku eegidoonaa.

2- xasilinta Siyaasadda.

Aagga labaad ee uu Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud doortay waxeey ahayd in uu badalo xaaladda Siyaasadeed Dalka oo aan muddo dheer samayn horumar muuqda, si la mid ah Amniga, wuxuu ka faaiidaystay fahamkiisa sare ee halka ay sartu ka quransantahay, wuxuuna gartay in Dalku aanu huraynin helista nidaam Siyaasadeed oo waafaqsan Dawladnimada Casriga ah, siinaya fursad Muwaanidiinta, abuurayana fagaare Siyaasadeed oo isku tola Dadka Soomaaliyeed kana saara qoqobka Qabaliga ah si loo helo hanaan wax isku darsi oo aan qabiil ku dhisnayn balse aragti ku dhisan, fursad sal sharci lehna siiya daneeyayaasha Siyaasadda.

Albaabka himiladaas hirgalinteedu wuxuu noqday in la dhamaystiro Dastuurka si loo xaqiijiyo ahdaafta sare ku xusan, gudanaysana waajibaadka soo jireenka ah ee Dawladihii kala dambeeyay 26-kii Sano ee tagtay kuwaas oo dhamaan waajibaadkoodkooda ay ugu horaysay gaarsiinta Dalka nidaam Dawladeed, Dimuquraddi ah, awoodana Shacabku leeyahay loogana gudbo xukunka ku yimaada xeer jajabka.

Si la mid ah xaaladda Amniga, Sanado shaqo adag ah ka dib, Dalku wuxuu u dhaqaaqay Doorasho Dadwaynuhu codaynayaan kuna dhisan Axsaab Siyaasadeed oo aan qabiilaysnayn, talaabadii ugu horaysay 390 Qof oo ah Golaha deegaanka ee Caasimadda ayaa kusoo baxay hanaankaan, hadana Sanaadiiqda cod bixintu waxeey ku firirsanyihiin min cirifka koofureed ee Dalka ilaa cirifka waqooyi halkaas oo la filayo in Dadwaynuhu dooran doonaan hogaamiyayaashooda heer deegaan ilaa Madaxwayne Qaran.

Tanina waa isbadal Siyaasadeed oo dhab ah hagina doona nidaamka Siyaasadeed ee Dalka Mudada soo aaddan insha allaah.

3- isbadal dhaqaale.

Madaxwaynuhu, isaga oo garawsan in si doonista Dadka Soomaaliyeed ay u socoto ay lagama maarmaan tahay in Dalku aanu ku jirikarin gacan hoorsi, taasina ka dhigayso lama huraan in Dalku uu helo ilo dhaqaale isaga oo ka faaiidaysnaya Khayrqadkiisa.

Dhiirasho adag oo la mid ah labada qodob ee kore, wuxuu Madaxwaynuhu dhaqaajiyay ka faaiidaysiga Khayraadka Dalka oo ahayd meel aad looga baqo.

Dagaal adag oo dhinacyo badan ka dib, hadda waxaa bilaabanaya in Soomaaliya soosaarato Khayraadkeedii  ugu horeeyay, mana ahan shaqo saadaaleed ee waa ficil uu socdo fulintiisu.

Sadexda aag ee Qormadaani taabatay kaliya ma ahan meelaha isbadalku uu ka dhacay balse waa kuwa ugu mudan uguna waayn saamayn togan oo muuqatana ku yeeshay hab nololeedka Dadkeenna waana taas sababta aan usoo xushay.

Maxaa sahlay gaarista guulahaan?

Waxaa jira dhawr arrimood oo u baahan in aan xusno, kuwaas oo sal u ah xaqiijinta isbadalkaan adag ee waqtiga kooban,

Arinka koowaad waa in uu Madaxwaynuhu xukunka la wareegay isaga oo leh aragti cad oo qorshaysan, waxaa xigtay in uu doortay Raysalwasaare la aragti ah, kartina u leh in uu dhaqangaliyo aragtida Madaxwaynaha, waxaa xigta xirfadda maaraynta xasaradaha iyo qaadista caqabadaha ee hogaanka Dalka, adkaysiga iyo isku duubnida hogaanka Dalka iyana waa mid mudan iyo ugu danbayn taageerada Shacabka Soomaaliyeed oo muujiyay garab istaag wayn.

Gunaanad.

Arrimahaani waa tusaalooyin muujinaya isbadal dhab ah, tilmaamaya jihada uu Dalku u socdo, qeexaya  doonista sare iyo aragtida dheer ee Hogaanka Dalka ee Maanta, mana ah natiijo faaiidadeedu u gaar tahay Qof, Koox ama Deegaan gaar ah, balse waa kuwa ay mirahooda si isku mid ah u garan doonaan Shacabka Soomaaliyeed.

Waa waddooyin furistooda ay halis badan u qaateen hogaanka Maanta jooga balse hanashada guusha ay harsan doonaan hogaamiyaasha soo socda oo malaha ay ku jirikaraan kuwa Maanta diidan waana Sunnada nolosha qayb ka mid ah.

Fariin Dadwayne.

Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay, waxaa hortiina timid fulinta qaybo ka mid ah himilooyinkii Dawladeed ee aad u hamuun qabteen Muddo dheer, waxaa soo bidhaamay iftiinkii aad naawilayseen, humaaggii  ayaa soo dhawaaday, daruurtii ayaa dushiina timid, sidaas awgeed, idinka oo aan ku dawakhin doodda  badan ee damac qofeedku hagayo, hareeraha ka joogsada halganka  gaarista iyo xaqiijinta himilooyinka Qaran iyo hanka Umadeed ee idinka hor muuqda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY DALKA JABUUTI.

Muqdisho- SONNA- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa…

May 8, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Lafta-gareen oo xariga ka jaray xarunta dhexe ee Sheybaarka Koonfur Galbeed

Muqdisho(SONNAMadaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo uu Wehliyo Wasiirka Caafimaadka Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Cusmaan…

GudahaWararka
December 18, 2023

Wasiirka Caafimaadka XFS ayaa booqday haweeney isbitaalka Banaadir ku dhashay Afar Carruur ah oo mataana ah

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Ali Haji Aden ayaa booqday Hooyo Soomaaliyeed oo Afar Gabdhood…

GudahaWararka
March 31, 2023

Wasiir Biixi oo daah-furay shirka dib-u-habeynta maaliyadda ee dowladda Soomaaliya iyo IMF

Nairobi (SONNA): Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta daah-furay shirka dib-u-habeynta maaliyadda ee dowladda…

GudahaWararka
June 10, 2024

Wasiir Maareeye “Dal kasta oo aan ka helno badeeco waxaa lagu qasbi doonaa inay badeeco naga qaataan”

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay…

Gudaha
July 19, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023