Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo digniin ka soo saaray maleeshiyaadka amniga qalqalgalinaya
    June 4, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo u Hambalyeeyay guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed
    June 4, 2026
    Mahad Maxamed Sheekh oo ku guuleystay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed
    June 4, 2026
    War-saxaafadeed: Dowladda Soomaaliya oo digniin ka soo saartay falalka lagu dhaawacayo amniga caasimadda
    June 3, 2026
    Wasiirro ka tirsan xukuumadda FS oo u daawasho tagay horyaalka Soomaaliya oo koraya
    June 3, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’
    June 3, 2026
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Horudhac: Liverpool vs Man United… (Ka bogo wax waliba oo aad uga baahantay kulanka dhex mari doona labada kooxood ee ugu guulaha badan England)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Ciyaaraha > Horudhac: Liverpool vs Man United… (Ka bogo wax waliba oo aad uga baahantay kulanka dhex mari doona labada kooxood ee ugu guulaha badan England)
Ciyaaraha

Horudhac: Liverpool vs Man United… (Ka bogo wax waliba oo aad uga baahantay kulanka dhex mari doona labada kooxood ee ugu guulaha badan England)

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 21, 2020
4 Min Read
Share

Liverpool(SONNA) Labada kooxood ee ugu guulaha badan taariikhda kubadda cagta England ayaa caawa isku qaban doona kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield caawa oo Axad ah ku soo dhoweynaysa naadiga ay aadka u xafiiltamaan ee Manchester United, iyadoo koox waliba ay doonayso inay guul gaarto.

Kooxda uu hoggaamiyo Tababare Jurgen Klopp ee Reds ayaa haatan 13-dhibcood ku haysa hoggaanka horyaalka Premier League, laakiin waxa ay wajahayaan kooxda kalaiya ee illaa iyo haatan xilli ciyaareedkan dhibco ka lumisay, waana Manchester United.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Axad, 19 Jan 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 07:30 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Craig Pawson (England)

Garoonka: Anfield

Wararka Kooxaha:-

Fabinho iyo Joel Matip ayay u badan tahay inay ku jiri doonaan shaxda kooxda Liverpool, kaddib markii ay tababarka buuxda dib ugu soo laabteen Arbacadii, markii ay ka yimaadeen dhaawacyo kala duwan oo canqowga iyo jilibka ah.

Kooxda ka dhisan Merseyside-ka ayaa markale waxaa ka maqnaan doona xiddigaha kala ah James Milner, Dejan Lovren iyo Naby Keita.

Dhinaca kale Weeraryahanka Kooxda Manchester United ee Marcus Rashford ayaa shaki laga galinayaa kulankan, kaddib markii uu soo gaaray dhaawac dhabarka ah, laakiin waxaa la siin doonaa illaa daqiiqadda ugu dambeysa si loo hubiyo taam ahaanshihiisa.

Luke Shaw, kaasoo isna qaba dhaawac muruqa ah ayaa sidoo kale la qiimiineyn doonaa xaaladdiisa.

Paul Pogba, Scott McTominay, Marcos Rojo iyo Axel Tuanzebe ayaa sii wadan doona maqnaanshahooda kulankan, inkastoo Eric Bailly laga yaabo inuu tartan u galo booskiisa kulankan, kaddib markii uu ciyaaray kulan albaabadu u xirnaa Talaadadii.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Tan iyo xilli ciyaareedkii 2013-14, Liverpool ayaa guuleysatay kaliya hal kulan 11-keedii kulan ee ugu dambeeyey Premier League oo ay wajahday Red Devils, waxaana ay ka haysataa 5 Barbaro iyo 5 Guuldarro.

>- Manchester United ayaa guul la’aan ah afarteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay u martisay lana dheeshay Liverpool tartammada oo dhan, waxaana ay kala soo laabteen Anfield 2 Barbaro iyo 2 Guuldarro tan iyo guushii 1-0 oo ay ka soo gaareen bishii Janaayo sanadkii 2016-kii horyaalka Premier League.

>- Liverpool ayaa khasaaro la kulantay 28 kulan oo horyaalka Premier League ay ku wajahday Manchester United, waana in siddeed mar ka badan kooxda kasta oo kale oo ay la ciyaartay.

>- Liverpool ayaa wajihi doonta garoonka Anfield kooxda Manchester United kulan horyaalka ah iyadoo maalinkaas hoggaanka u haysa horyaalka markeedii ugu horreysay tan iyo bishii September sanadkii 1990-kii, guushii 4-0 ee ay ku adkaatay kooxdii uu watay macallin Kenny Dalglish.

>- Manchester United ayaa khasaaro la kulantay labadii kulan ee ugu dambeeyey Premier League oo ay booqatay kooxaha ka dhisan Merseyside-ka ee Liverpool iyo Everton, weliba lagama badin saddex jeer oo xiriir ah kulammada sare ee horyaalka marka ay u martiyaan kooxahan horyaalka tan iyo bishii April sanadkii 1979-kii.

>- Liverpool ayaa guul gaartay 18-keedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League oo ay ku ciyaartay garoonkeeda.

>- Kooxda Liverpool ayaa ugu yaraan dhalisay 2 gool 17 ka mid ah 18-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka Premier League.

>- Kooxda Liverpool ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay dheeshay horyaalka Premier League.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo digniin ka soo saaray maleeshiyaadka amniga qalqalgalinaya

Muqdisho (SONNA): Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Korneyl Mahdi Cumar oo shir jaraa’id…

June 4, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Paris Saint-Germain oo dooneysa inay soo qaadato mid ka mid ah macalimiinta ugu shidan Premier League.

Paris(SONNA)- Paris Saint-Germain ayaa dooneysa in ay sameyso is badal xagga macalinka ah iyadoo xiriir toos ah la sameyneysa macalinka kooxda…

Ciyaaraha
January 21, 2020

Senegal oo si dirqi ah uga badisay Zimbabwe

Muqdisho(SONNA):-Xulka qaranka Senegal ayaa galabta si dirqi ah uga badiyay dhigiisa Zimbabwe kadib marki ay isaga hor imaadeen tartanka koobka…

CiyaarahaWararka
January 10, 2022

Bayern Munich oo ka dhawaajisay hadal aan farxad galin Philippe Coutinho oo ku aadan mustaqbalkiisa

Bayern Munich, ayaa ka dhawaajisay hadal aan farxad galin Philippe Coutinho, oo ku aadan mustaqbalkiisa kooxda Kooxda Bayern, ayaa ka…

Ciyaaraha
January 22, 2020

Tababare Pep Guardiola oo ugu dambeyn sheegay sababta kaliya ee uu kaga tagi karo Kooxda Manchester City.

Manchester(SONNA)-Waxaa maalmihii la soo dhaafay shaki badan laga muujinayay mustaqbalka hoggaamiyaha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola, xilli la isla…

Ciyaaraha
January 21, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023