Muqdisho (SONNA): Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa galabta daawaday ciyaar xiiso leh oo ka tirsan Horyaalka Soomaaliya, taas oo dhex martay kooxaha Heegan iyo MCC, kana dhacday Garoonka Stadium Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta ayaa tilmaamay in ciyaarahan ay muujinayaan horumarka amniga iyo xasilloonida ay maanta ku tallaabsatay Caasimadda Muqdisho, halkaas oo shacabka ay si nabad ah ugu raaxeysanayaan munaasabadaha isboortiga iyo kulamada bulshada.
Wasiirada ayaa bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada, ugu baaqay inay garab istaagaan nabadda, ilaashadaana amniga, islamarkaana ka shaqeeyaan sii xoojinta horumarka iyo xasilloonida dalka.
