Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Aqoon-isweydaarsi sare oo ku saabsan Teknoolojiyadda Internet-ka oo Muqdisho lagu qabtay
    June 10, 2026
    Meertada 3-aad ee Madasha Maayarada dalka oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey
    June 11, 2026
    Ra’iisul wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaamiyaha cusub ee Koofur Galbeed
    June 10, 2026
    Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay oo celinta Garsoore Cumar Cartan
    June 10, 2026
    Wasiirka Ganacsiga oo Muqdisho ka furay shir ku saabsan isku-xirka ganacsiga geeska Afrika
    June 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Garsoore Cumar Cartan waxaa laga yaabaa inay sidaasi kheyr ugu jirto
    June 10, 2026
    Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha
    June 9, 2026
    Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’
    June 3, 2026
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Bulshada Soomaaliyeed oo ka falcelisay soo celinta Garsoore Cumar Cartan
    June 11, 2026
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
Reading: Aqoon-isweydaarsi sare oo ku saabsan Teknoolojiyadda Internet-ka oo Muqdisho lagu qabtay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Aqoon-isweydaarsi sare oo ku saabsan Teknoolojiyadda Internet-ka oo Muqdisho lagu qabtay
GudahaWararka

Aqoon-isweydaarsi sare oo ku saabsan Teknoolojiyadda Internet-ka oo Muqdisho lagu qabtay

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: June 10, 2026
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Xarunta Qaran ee IPv6, oo ay martigeliso Jaamacadda Jamhuuriya, ayaa maanta si wadajir ah u qabtay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Internet Baratakoolka Nooca Lixaad (IPv6), kaas oo ay ka soo qayb galeen Bixiyeyaasha Adeegyada Internet-ka (ISPs), jaamacadaha, xirfadlayaasha ICT-da, khubarada isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda, iyo daneeyayaal kale si ay uga wada hadlaan mustaqbalka kaabeyaasha isgaarsiinta internet-ka iyo hirgelinta IPv6 ee Soomaaliya.

Aqoon-isweydaarsigan ayaa noqday madal lagu xoojinayo wacyiga ku saabsan hirgelinta IPv6, lagu adkaynayo iskaashiga daneeyayaasha kala duwan, laguna taageerayo himilooyinka isbeddelka dhijitaalka ah ee Soomaaliya iyada oo la dhiirrigelinayo adeegsiga teknoolojiyadda jiilka xiga ee internet-ka iyo horumarinta kaabeyaasha dhijitaalka ah ee dalka.

Eng. Maxamed Axmed Maxamuud, Guddoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya ee Sayniska iyo Tiknoolajiyadda (JUST), oo ka hadlay munaasabadda, ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay diyaarinta jiilka cusub ee xirfadlayaasha ICT-da si ay u taageeraan mustaqbalka dhijitaalka ah ee Soomaaliya.

“Diyaarinta jiilka cusub ee xirfadlayaasha ICT-du waa tiir muhiim u ah mustaqbalka dhijitaalka ah ee Soomaaliya. Jaamacaduhu waxay door weyn ku leeyihiin horumarinta aqoonta, cilmi-baarista iyo hal-abuurka la xiriira IPv6, iyo sidoo kale tayeynta ardayda si ay uga qayb qaataan isbeddelka dhijitaalka ah ee dalka,” ayuu yiri.

Isagoo ka hadlay furitaanka aqoon-isweydaarsiga, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa ka hadlay sida ay Hay’adda uga go’an tahay in Soomaaliya ay la jaanqaaddo horumarka teknoolojiyadda ee caalamka iyada oo la hirgelinayo IPv6.

“Himiladeennu mar walba waxay ahayd in Soomaaliya aysan ka harin isbeddellada teknoolojiyadda ee dunida. Maanta waxa aynu qorshaynaynaa ma aha oo keliya baahiyaha internet-ka ee maanta jira, balse sidoo kale waxa aynu ka fikiraynaa sidii jiilasha mustaqbalka ay u heli lahaayeen teknoolojiyadda casriga ah ugana faa’iidaysan lahaayeen koboca dhaqaalaha dhijitaalka ah. Waxa aanu ku faraxsanahay in wixii markii hore ahaa hiigsi lagu dhisayo Xarunta Qaran ee IPv6 ay maanta noqdeen xaqiiqo hirgashay oo taageeraysa geeddi-socodkan,” ayuu yiri.

Intii uu socday aqoon-isweydaarsigu, khubaro kala duwan ayaa soo bandhigay mowduucyo la xiriira hirgelinta IPv6, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen baahida loo qabo istaraatiijiyad qaran oo IPv6 ah, hirgelinta farsamada iyo geeddi-socodka kala-guurka, siyaasadaha iyo maamul-wanaagga, qorshaynta cinwaannada IP-ga, iyo qaab-dhismeedyada siyaasadeed ee lagama maarmaanka u ah hirgelinta guuleysata ee IPv6 ee Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Aqoon-isweydaarsi sare oo ku saabsan Teknoolojiyadda Internet-ka oo Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho (SONNA): Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Xarunta Qaran ee IPv6, oo ay martigeliso Jaamacadda…

June 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Ruushka oo Muqdisho u soo dirtay markab sida shixnad gargaar ah

Muqdisho(SONNA): Danjiraha Russia u fadhiya Djibouti, isla markaana Soomaliya ka wakiil ah, Mikhail Golovanov ayaa maanta soo gaarey magaalada Muqdisho…

SiyaasaddaWararka
November 26, 2023

Qurbo-jooog Soomaaliyeed oo ku baaqay in loo istaago raadinta nabadda iyo horumarka Dalka

Qaar kamid ah Qurbo-joogtaan oo ka kala socday  mareykanka iyo Kanada ayaa Magaalada Boston ku qabtay shir socday muddo afar…

Gudaha
April 19, 2024

Soomaaliya iyo dalal kale oo xusay maalinta ciribtirka xadgudubyada ku dhaca haweenka

Xaflado ay horkacayaan Qaramada Midoobay ayaa maalinimadii shalay oo ku beegneyd 25-ka November ka kala dhacay guud ahaan dalalka caalamka,gaar…

GudahaMaqaallada
January 7, 2023

Wasaaradda Batroolka XFS” Waxay si dhow ula socotaa howl-galka sharci darrada ah ee la doonayo in Shidaal looga baaro Gobollada Waqooyi”

Muqdisho (SONNA);-War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Batroolka & Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay wasaaradda si dhow ula…

GudahaWararka
December 28, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023