Muqdisho-(SONNA)-Xoghayaha Guud ee IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa markale caddeeyay sida ay IGAD uga go’an tahay dhowrista madax bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Wuxuu hoosta ka xarriiqay in IGAD ay ahayd ururkii ugu horreeyay ee ku baaqa in hoggaamiyeyaasha dowladaha ay ilaaliyaan madax bannaanida dalka Soomaaliya.
Hadalka Gebeyehu ayaa imanaya ka dib kulan uu la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo u caddeeyay hadafka guud ee IGAD kaga aaddan gobolka , gaar ahaan ilaalinta nabad-galyada ,horumarka mandiqadda iyo sidii xasillooni loogu wada noolaan lahaa.
Ururka IGAD ayaa marar badan ku celceliyay in la dhowro madax bannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya, in kastoo ay dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed ay ku xad gudubtay wada jirka dhuleed ee Soomaaliya.