Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka gaashaandhigga oo Istanbul uga qaybgalaya bandhigga qalabka Militariga
    July 23, 2025
    Hawlgal lagu naafeeyey Khawaarijta oo Hiiraan ka socda
    July 23, 2025
    Wasiirka cadaaladda oo qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay
    July 23, 2025
    Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul
    July 23, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: 64 sano ka dib, Saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > 64 sano ka dib, Saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

64 sano ka dib, Saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 7, 2024
8 Min Read
Share

Wadankii ugu horreeyay ee ay wax wada qabsadaan Shiinaha iyo dalalka ku yaal qaaradda Afrika ayaa ahaa Dalka Marooko, sanadka markuu ahaa 1947-kii ayuu bilowday wax wada qabsigooda, wadanka xiga ayaa lagu sheegaa inuu yahay Soomaaliya, Xiriirka Dibolomaasiyadeed iyo wax wada qabsi ee ka dhaxeeya Dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa la sheegaa inuu soo bilowday 1960-meeyadii, xilligaasi waxii ka dambeeyay, waxa uu Dalka Shiinaha Dadka uu Wadanka Soomaaliya ka fuliyay Mashaariic waaweyn oo aad qiimo ugu lahaa Dadka Soomaaliyeed oo lagu xasuusto xiriirka wax wada qabsi ee labada Dal iyo labada Shucuub, waxaana ka mid ahaa Garoomada ku yaala Tuulada Ispoortiga oo uu ku jirto Garoonka Kubadda Cagta ee Istaadiyo Muqdisho, Golaha Murtida iyo Madadaalada ee loo yaqaan Tiyaatarka Qaranka, Waddooyin uu ka mid yahay jidka u dhaxeeya Afgooye iyo Baydhabo, mashruucii biya xireenka Faanoole, Isbitaalka Banaadir iyo kuwa kale, Dowladda Shiinaha ayaa haatanna dooneysa inay Soomaaliya kaga qeybqaadato dib u soo kabashadeeda.

โ€œSoomaaliya waa dalkii ugu horreeyay ee ku yaalla Bariga Afrika ee xiriir diblomaasiyadeed la yeesha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, iyadoo labada dal ay mar walba is garab taagnaa waqtiyada adag, 64 sano ka dib, saaxiibtinimadani aad bay uga sii xoog badan tahay sidii hore oo waxay xambaarsan tahay macno dheeraad ahโ€, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha ahna Afhayeenka Wasaaradda Hua Chunying ayaa sidaan ku qeexday xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa khudbad uu ka jeediyay madasha iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) kaga hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Shiinaha iyo Afrika, isagoo xusay in xiriirka labada dhinac uu gaaray heerkii ugu wanaagsan taariikhda, wuxuuna carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in sare loo qaado caddaaladda, sinnaanta, iyo iskaashiga dhinacyada Warshadaha, Beeraha, iyo kaabayaasha dhaqaalaha, iyada oo xoogga la saarayo samaha bulshada iyo horumarinta deegaanka, islamarkaana wuxuu ku dhawaaqay toban hindise oo iskaashi, kuwaasi oo ay ka mid yihiin kor u qaadista Waxbarashada iyo Tignoolajiyada, taageeridda haqab-beelka cuntada, iyo horumarinta tamarta cagaaran, waxa uu sidoo kale soo bandhigay qorsheyaal lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada amniga iyo nabadda, isagoo ugu dambeyn ballan qaaday in Shiinuhu uu bixin doono taageero maaliyadeed oo dhan 360 bilyan Yuan, si loogu fuliyo qorshayaashan seddexda sano ee soo socota.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey shir doceed muhiim ah oo ku saabsan iskaashiga Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya iyo Shiinaha intii lagu guda jiray shirweynaha Shiinaha iyo Afrika ee ka dhacay Beijing halkaas oo hoggaamiyayaasha iyo wakiilada dalalka Afrika iyo Shiinaha ay uga wada hadlayaan xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo istaraatijiyadaha horumarineed ee Afrika iyo Shiinaha.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay shirka isaga oo soo bandhigay sida Soomaaliya ugu heellan tahay horumarinta Dhaqaalaha Buluugga iyo baahiyaha dalka ee ku aaddan casriyeynta kaabayaasha kalluumeysiga, iyadoo uu Shir doceedkaasi uu ka qeyb galay daneeyayaal muhiim ah, wuxuuna ujeedadiisu aheyd in la xoojiyo iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha gaar ahaan dhinaca Dhaqaalaha Buluugga, iyada oo mudnaan la siinayo isticmaalka waara ee kheyraadka badaha, si loo gaaro koror dhaqaale.

Wadahallada ayaa sidoo kale taabtay maalgashiga suurtagalka ah ee Shiinaha ee kaabayaasha badda ee Soomaaliya, sida dhismaha dekedaha casriga ah iyo xarumaha farsamaynta, kuwaas oo muhiim u ah kobcinta warshadaha kalluumeysiga dalka. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadalay barnaamijyada cilmi-baarista wadajirka ah si loo fahmo oo loo ilaaliyo nidaamka deegaanka badda.

Dowladda Shiinaha ayaa muujisay ahmiyadda ay u leedahay inay taageerto Soomaaliya iyada oo loo marayo kanaallo kala duwan, oo ay ku jiraan caawinaad dhaqaale, khibrad farsamo, iyo barnaamijyo awood dhisid. Taageeradan ayaa kaalin weyn ka ciyaari karta sidii Soomaaliya ay u gaari lahayd yoolalka horumarineed iyo sidii loo xoojin horumarada dhinaca Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Bulluugga ee dalka, iyadoo Shir doceedkaasi uu ahaa madal loogu talagalay xoojinta xiriirka labada dhinac ee Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo dhiirrigelinaya iskaashiga labada dowladood, si loo horumariyo.

Madaxweyne Shiinaha Xi Bien ayaa ku dhawaaqay deeq dhan 200 Milyan oo Yuan oo ah lacagta Shiinaha, taasi oo lagu taageerayo qorsheyaasha mudnaanta u leh Soomaaliya, taasi oo ka timid kadib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan wada-hadallo laba geesood ah kula yeeshay Madaxweynaha Shiinaha, Mudane Xi Jin ping, Madaxtooyada Beijing., waxayna labada Madaxweyne isku afgarteen in kor loo qaado xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ee Shiinaha iyo Soomaaliya, lana gaarsiiyo heer aad u sarreeya oo iskaashi istiraatiiji ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u daneynaya labada Shacab, wuxuuna ,adkeeyay siyaasadda labada dal ee ku salaysan taageerada iyo garab istaagga midnimada dhuleed ee labada dal mid kasta uu u hayo kan kale, si wafaaqsan xeerarka caalamiga ah ee gobanimada iyo dowladnimada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shiinaha Mudane Xi Jinping ayaa xusay ballanqaadka Shiinaha ee ku saabsan in la xoojiyo iskaashiga kala dhaxeeya dalkiisa Jamhuuriyadda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga kaabeyaasha nolosha iyo ganacsiga, amniga cuntada iyo isbeddelka cimilada, wuxuuna Madaxweyne Xi Jin uu ku dhawaaqay deeq dhan 200 Milyan oo Yuan oo lagu taageerayo qorsheyaasha mudnaanta u leh Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shiinaha Mudane Xi Jinping ayaa xusay ballanqaadka Shiinaha ee ku saabsan in la xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya dalkiisa Jamhuuriyadda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga kaabeyaasha nolosha iyo ganacsiga, amniga cuntada iyo isbeddelka cimilada.

Dhinaca arrimaha Gobolka Geeska Afrika ayaa lagu soo waramayaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Eritrea Mudane Isaias Afwerki ay kulan-doceed ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, kuwaasoo ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka, waxayna si gaar ah diiradda ugu saareen xoojinta ahmiyadda iskaashiga dagaalka lagula jiro Argagixisada iyo sare u qaadidda danaha istaraatijiyeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ereteriya.

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi, ayaa shir jaraaโ€™id oo wadajir ah magaalada Ankara kula qabtay dhiggiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, wuxuuna ย carrabka ku adkeeyay in la taageero dadaallada lagu xasilinayo gobolka, isagoo tilmaamay in caqabadaha sii kordhaya ee ka jira ay sii xoojinayaan baahida loo qabo iskaashi dhexmara wadamada gobolka.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka gaashaandhigga oo Istanbul uga qaybgalaya bandhigga qalabka Militariga

Istanbul (SONNA): Wasiirka gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa uga qeybgalaya Bandhigga Caalamiga ah…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka arrimaha dibadda oo Muqdisho ku soo dhaweeyey madaxweynaha hay’adda WFDP iyo wafdi la socda

Muqdisho (SONNA): Wafdi balaaran oo ka socda hay'adda WFDP oo uu hogaaminaayo Ambassador Akramy El zaghat oo ah madaxweeynaha WFDP…

GudahaWararka
July 11, 2023

Guddoomiyaha SoDMA oo shir uga qayb galay Nairobi

Nairobi(SONNA):-Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) iyo hayโ€™adda Africa Risk Capacity (ARC) ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo gabagabeeyay shir…

GudahaWararka
March 22, 2025

Ra”iisul wasaare Xamse oo dhagax dhigay Dhismeyaal Dowladdeed

Muqdisho(SONNA):-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax dhigay dhismooyin cusub oo ay yeelan doonaan…

GudahaWararka
June 22, 2024

NISA oo xaqiijisay in 82 khawaarij ah lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha hoose

Shabeellaha hoose(SONNA):-Hay'adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in howlgallo duqeyn ah oo ka dhacay nawaaxiga deegaanka Sabiid iyo Caanoole…

GudahaWararka
March 21, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023