Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista
    September 6, 2025
    Dr Xabeeb iyo wafdi dhakhaatiir ah oo gaaray degmada Cadaado
    September 6, 2025
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
    Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Soomaaliya oo gashay Gacan ammaan ah (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya oo gashay Gacan ammaan ah (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Soomaaliya oo gashay Gacan ammaan ah (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: February 24, 2024
9 Min Read
Share

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiis-kii taariikhiga ahaa oo ay dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, kaasi oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha, iyadoo kulankaasi ay soo xaadiray 216 mudane waxaa ogolaatay 213 Xildhibaan, waxaana diiday 3 Xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiiska uu dhawaan ansixiyay Baarlamaanka labadiisa Aqal uu muhiim u yahay difaaca badda iyo sare u qaadidda dhaqaalaha dalka. Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlay xarunta madaxtooyada ayaa sheegay in badda Soomaaliya ay ka jiraan xad gudubyo badan oo ay ka mid yihiin kalluumeysi sharci darro ah, in ay isticmaasho Argagixisada, Burcad badeeddu ay ka duusho,iyo Wasaqdana oo lagu qubo, balse haatan ay heleen cid ay ku aaminaan, wuxuuna intaa raaciyay in heshiiskan uu socon doono 10 sano ah, muddadaasna la dhisi doono lana qalabeyn doono ciidanka badda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh” Heshiiska aan la galnay dowladda Turkiga waxaa uu soconayaa 10 sano waxaana la dhisayaa ciidanka badda Soomaaliya”. Madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambayn sheegay in heshiiskan uu sidoo kale muhiim u yahay kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka baluugga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isla maalintaasi saxiixay Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo qoraal soo dhigay boggiisa Facebooka ayaa ku yiri, “Waxaan saxiixay Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo qayb ka ah dadaalada aan ku bixinayno dhowrista amniga, khayraadka, gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.”

Dr Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweyanha JFS oo ka hadlay muhiimadda uu leeyahay heshiiskaan ayaa yiri,”Heshiiskani oo mudadiisu tahay 10 sano waa mid taageeraya hurumarinta dhaqaalaha baluugga, kobcinta wax soo saarka kalluunka, dhisida kaabayaasha dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka badda, la dagaallanka argagaxisada iyo ka hor taga  wax kasta oo sharci darro ah oo la mariyo xeebaha Soomaaliya, waxa uuna Soomaaliya gaarsiin doonaa in ay dhisato  Ciidan Badeed oo ku filnaada  difaaca baddeenna.”

Ugu dambeyn qoraalka uu soo dhigay Madaxweynaha waxa uu ku soo gabagabeeyey, “Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo  waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan  ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed, waxaana heshiiskan uu qeyb ka qaadanayaa nabadda iyo xasilloonida gobolka.”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa golaha Wasiirrada XFS uga mahad celiyay ansixinta heshiis taariikhi ah oo dowladda Soomaaliya ay la gashay dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashi dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha ah, wuxuuna shegay in heshiiskani uu yahay mid taariikhi ah, Soomaaliyana ay maanta yeelatay saaxiib iyo walaal dhab ah, kaas oo meesha ka saarayo in aynu biyaheenna iyo waxa ku jiraba uga baqno argagixiso, burcad badeed, kalluumeysi sharci darro ah, sun lagu shubo baddeenna.

Mudane, Xamsa oo ka hadlay ahmiyadda heshiiska u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa sheegay in heshiiskani uu suurto gelin doono in la tababaro lana qalabeeyo ciidankeenna badda, lagana faa’iideysto dhaqaalaha baluugga ah ee dalka, waxa uuna ka mahad celiyay taageerada bini’aadannimo ee ay ugu fidiyeen xilli baahi weyn loo qabay, shacabka Soomaaliyana aysan illaawi doonin abaalka ay u gashay dowladda aynu walaalaha nahay ee Turkiga.

” Runtii heshiiska waa mid taariikhi ah oo Soomaaliya iyo Turkiga-ba u ah muhiim, siiba Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya muhiim u ah, sababta uu muhiim ugu yahayna waxaa waaye waa heshiis iskaashi oo difaaca ah iyo daqaalaha,difaaca marka lagu leeyahayna waa sidii loo ilaalin lahaa amniga dalkan loona tababari lahaa ciidamadeenna Badda, dhulka iyo cirka meesha ay quseyso dowladda ayey ku xiran tahay,” ayuu yiri Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoosta ka xariiqay in uu heshiiskan Soomaaliya ka anfacayo ilaalinta dhammaan wax kasta oo carqalad ku ah dalkeenna.

” Sidoo kale, wuxuu heshiiskan Soomaaliya ka ilaalinaya dhammaan wax kasta oo carqalad ku haayo oo ah deriska iyo bannaankaba, haddii ay tahay dalalka kalluunka sida sharci-darada ah uga xada, haddii ay tahay waddamadan Baddeena wixii ay rabaan ku sameeya iyo burcad-baddeedii oo xoogga wax yar Soomaaliya ay ku dambeeyaan, waxaa dhan ayuu heshiiskan Soomaaliya u anfacayaa,”, Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid taariikhiga ah oo muhiim ah dalalka Soomaaliya iyo Turkiga, isagoona siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay taageeraan heshiiska labada Dowladood si uu u guuleysto. Xukuumadda Soomaaliya ayaa heshiiskan ku tilmaantay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, islamaarkana xustay in ay muhiim u tahay difaaca dhulka iyo hantida Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cabdiwali Cali Gaas ayaa ka hadlay heshiiska ay wada saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saabsanaa iskaashiga dhanka difaaca iyo dhaqaalaha, isagoo ku nuux-nuux saday muhiimadda heshiiskan, isagoo carabka ku adkeeyay in awoodda dalka ee sugidda amniga biyaha ay tahay mid xadidan, isla markaana heshiiskan uu wax badan ka qaban doono kalluumeysiga sharci darrada ah iyo burcad badeedda. “Soomaaliya waxay leedahay badda ugu dheer Afrika, mana lahan awood ay isaga difaacdo burcad-badeedda, qashinka lagu daadiyo, iyo duulaan dibada kaga yimaada, arrimahaas ayaa abuuray baahida loo qabo in la raadiyo waddan aan walaalo nahay oo na caawiya.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore.

Mudane Cabdi Wali waxa uu ku baaqay in heshiiskan aan la siyaasadeynin, lana taageero madaxda dalka, si loo difaaco midnimada iyo qaranimada dalka, lagana hortago khatar kasta, waxa uu intaasi ku daray in Soomaaliya aysan dooneyn inay iska horkeenaan Dowladaha Turkiga iyo Itoobiya, isla markaana ay carqaladeeyaan Ammaanka Gobalka, isaga oo carabka ku dhuftay inay lagama maarmaan tahay in laga hortago damaca Itoobiya.

“Dooddii dastuurka ee socotey todobaadyadii la soo dhaafay qayla dhaantu way badneyd iyo siyaasiyiinta ilmada yaxaaska qubaya ee lahaa difaaca dalka waa in loo midoobaa oo la joojiyaa doodda Dastuurka, balse markii hey’adaha dawladda Federaalka ahi ay meelmariyeen heshiiska iskaashi ee difaaca iyo dhaqaalaha ee dhexmaray Soomaaliya iyo Walaalaha Turkiga wax juuq ah ama taageero ah lagama haayo, sidaasina waxaa yiri Axmed Macallim Fiqi oo ah Wsiirka Arrimaha Gudaha. “Haddii ujeedkooda dhabta ah uu ahaa in badda Soomaaliya la difaaco ma jiro difaac ka weyn heshiiskaasi oo badda looga difaaci lahaa damaca hororka iyo hanyarida xaraashaha.  Hal mar un baa dadka la siri karaa mar kasta maya!”, ayuu sii raaciyay.

Wargeys lagu magacaabo Aldaaqa oo ka hadla arrimaha Shidaalka ayaa sheegaya in dowlad Carbeed ay ku soo biireysa dowladaha shidaalka dhoofiya dhammaadka sanadkan 2024-ka, taasi oo heysata keyd shidaal oo aad u fara badan. Haddaba waa tuma dowladda uu wargeysku sheegayo?, waa Dowladda Soomaaliya, waxa uuna Wargeysku soo xiganayaa Wasiirka Tamarta iyo Batroolka Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo shirkadaha shidaalka., wuxuuna Wargeysku ku tilmaamay in Soomaaliya hadda gacan ammaan ah ay gashay oo ay ku soo saran karto shidaalkeeda.

Dhinaca kale Dowladda Turkiye ayaa soo dhaweysay heshiiskaasi dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiye, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay horgeeyaan heshiiskaasi Baarlamaanka Dalkaasi, si uu ansixyo, maadamaa uu horeyba u soo ansaxiyeen Labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey Xarunta…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maamulka gobolka Banaadir oo qabtay kulan loogu ducaynayo dadkii ku geeryooday musiibadii ka dhacday dalka Turkiga

Muqdisho:-(SONNA)-Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan Duco iyo barordiiq ugu qabtay…

GudahaWararka
February 9, 2023

Hay’adda Sodma iyo hay’adaha samafalka oo ka wada hadlay xaaladda fatahaadda ee Baladweyne

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane, Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta Guddoomiyay shir deg-deg ahaa oo heerkiisu…

GudahaWararka
May 24, 2023

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo ku baaqay in loo midoobo soo afjaridda kooxaha nabad-diidka

Hadii aannan Khawaarijta ka adkaan oo laga tirtirin dalka majirto hormar aan gaari karno, waana in aan u midownaa soo…

Gudaha
January 19, 2024

Wasiirka cadaaladda oo saxiixay siyaasadda hubinta da’da carruurta

Muqdisho (SONNA): Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa maanta saxiixay Siyaasadda Qaran ee hubinta da'da…

GudahaWararka
August 1, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023