Muqdisho- SONNA-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa maanta duqeyn qorsheysan ka fuliyay deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo isku aruursanayay si ay u abaabulaan falal argagixiso oo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.
Howlgalka waxaa lagu dilay lix ka mid ah maleeshiyaadka Khawaarijta, iyadoo sidoo kale la burburiyay hub iyo agab ay adeegsanayeen.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay xaqiijinayaan in la sii xoojin doono hawlgallada lagu baacsanayo haraadiga argagixisada, laguna beegsan doono goob kasta oo ay ku dhuuntaan, si dalka looga ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.
