Ankara (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa maanta kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Ankara Wasiirka Gaadiidka iyo Dhismaha Dowladda Turkiga, Mudane Abdulkadir Uraloglu.
Kulanka oo ka qabsoomay hoolka shirarka ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin iyo lataliyeyaal ka socday labada wasaaradood. Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa diiradda saaray xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, dhismaha waddooyinka, guriyeynta casriga ah, qorsheynta magaalooyinka iyo hubinta tayada dhismayaasha.
Wasiirka Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga, Mudane Abdulkadir Uraloglu, ayaa ugu horeyn si diirran u soo dhaweeyay wafdiga Soomaaliya, isaga oo muujiyay sida Dowladda Turkigu uga go’an tahay taageerada Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta iyo dib-u-dhiska.
Dhankiisa, Wasiirka Hawlaha Guud XFS, Mudane Ayub Yusuf Ismaaciil, ayaa tilmaamay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay khibradda iyo aqoonta horumarsan ee Turkiga, gaar ahaan dhinacyada injineernimada iyo maamulka mashaariicda waaweyn. Wasiirku wuxuu xusay in Wasaaradda Hawlaha Guud ee Soomaaliya ay doonayso in injineerada iyo shaqaalaha wasaaradda laga faa’iideeyo tababarrada iyo aqoonta ay leeyihiin khubarada Turkiga, si ay door muuqda uga qaataan dib-u-dhiska dalka.
Kulanka kadib, Wasiir Ayub Yusuf Ismaaciil ayaa booqashooyin kala duwan ku tegay xarumo hoostaga Wasaaradda Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga, waxaana si rasmi ah u qaabilay Agaasimaha Hay’adda Waddooyinka ee Dowladda Turkiga oo warbixin ka siiyay howlaha ay hay’addu qabato iyo mashaariicda waaweyn ee ay gacanta ku heyso.
Wasiirka Ayub Ismail Yusuf ayaa kormeer ku sameeyay waddooyin lagu hirgeliyay nidaamka PPP, kaas oo ay shirkado gaar loo leeyahay ku maalgelinayaan dhismaha waddooyinka, halka khidmadaha isticmaalka waddooyinka lagu qaado nidaam casri ah oo electronic ah. sidoo kale Wasiirka ayaa booqday xarunta dayactirka gaadiidka ee wasaaradda, halkaas oo lagu siiyay warbixin dhameystiran oo ku saabsan hababka casriga ah ee loo maamulo iyo dayactirka gaadiidka dowladda.
Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la dhiso guddi farsamo oo ka shaqeeya horumarinta wada shaqeynta labada wasaaradood iyo dardargelinta mashaariicda iskaashiga ah ee mustaqbalka.
