Geneva-Switzerland-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa ka qayb galay kulan heer sare ah oo ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta caafimaadka dijitaalka ah, maamulka xogta caafimaadka iyo adeegsiga mas’uuliyadda leh ee tiknoolajiyadda casriga ah si loo taageero hirgelinta adeegyada caafimaadka loo siman yahay.
Wasiirka ayaa khudbad uu ka jeediyay kulanka ku xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay dhismaha nidaam caafimaad oo casri ah, isku xiran, isla markaana gaara bulshada ku nool deegaanada fogfog iyo dadka nugul.
Mudane Cali Xaaji ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xogta caafimaadka, xoojinta nidaamyada dijitaalka ah iyo dhisidda awoodda shaqaalaha caafimaadka.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah, taageerada farsamo iyo maalgelinta joogtada ah ee lagu horumarinayo kaabeyaasha caafimaadka dijitaalka ah, si Soomaaliya ay u hesho nidaam caafimaad oo waara, adkeysi leh, kana jawaabi kara baahiyaha bulshada.