Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    February 20, 2026
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ku dadaaleynaa sidii looga shaqeyn lahaa badqabka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Xallinta Xiisada Baraawe iyo Baarista Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada (Warbixin).
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Xallinta Xiisada Baraawe iyo Baarista Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada (Warbixin).
Maqaallada

Xallinta Xiisada Baraawe iyo Baarista Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada (Warbixin).

By Dahir Aadan Cali
Last updated: June 24, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- 12kii Bishan, degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose, isku dhac ciidan oo aan loo turin dadkeeda ayay martigelisay, dhimashada sideed ruux oo dhinacyadii dagaallamay iyo dhaawaca tobonaan kale ayuu ahaa khsaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay magaaladaas.

Wixii intaas ka dambeeyay, waxaa hakad galay dhammaan dhaq-dhaqaaqyadii Bulsho ee halkaas ka jiray oo inta badan dadka ayaa faarujiyay xaafadaha magaalada baraawe ee caasimadda maamulka Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiin iyo dad macaash ka raadinaya wararka been abuurka ah ayaa shaar kale huwiyay dhacdada Baraawe, hase-yesshee, xeel ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo furtay gal-baariseed oo ay ku jiraan raadad argagax leh ayaa si hordhac ah u ogaatay in wixii dhacay aysan dhaafsiineyn lacag ammaah ah.

Si loo helo kala dambeyn iyo, xal deg deg ahna looga gaaro dagaalkii ka dhacay Baraawe, gacanta caddaalada ayey noqotay in ay magaaladaas gaarto si dhinacyada loogu ciqaabo shaqsi kasta iyo kaalintiisa.

Tallaabadii ugu horeysay ee Maxkamadda ciidamada qalabka sida heerarkeeda kala duwan oo ay wehelinayaan wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka iyo wasiirka caddaalada Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin ka socda gobolka Shabeellaha hoose ayaa marka hore la kulmay saraakiisha ciidamada qalabka sida ee ku sugan degmada, waxayna amar ku bixisay Maxkamaddu in la kala qaado ciidamada is-horfadhiya, la iskuna keenno ciidanada ay dirirtu dhexmartay.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta ayaa kormeeray dhammaan difaacyadii ay isku horfadhiyeen ciidamadu oo hadda dhammaantooda la banneeyay.

Ku simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna wasiirka Caddaalada Koonfur Galbeed ayaa ka mahadceliyay dadaallada nabad u raadinta dagaalladii iyo dambiyadii ka dhacay Baraawe.

” Intaasba waxaad ka dareemeysaan muhiimadd ay leedahay caasimadda Koonfur Galbeed iyo dadka ku nool oo dad samir badan oo dulqaad badan oo waliba aan ka mahadcelineyno buuq fara badan oo meelaha la geliyay aanay qeyb ka ahayn oo aad u dulqaatay,waxaan rabaa inaan u mahadceliyo qof kasta oo ka qeyb qaatay dhibaatada meeshan ka dhacday sidii lagu joojin lahaa”.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute oo dhinacyo badan taabtay ayaa digniin adag u jeediyay ciidamada ku wada sugan Baraawe,isagoona hoosta ka xariiqay qof kasta shaqsigiisa lagula xisaabtamayo wixii uu geystay,iyada oo loo eegeynin heybta ama reerka uu ka soo jeedo.

” Arrinta  anaga maxkamadaa nahay, maxkamadda ciidamada qalabka sida dhibaataa meeshan ka dhacday 12kii bishan, waa la soo wada gurmaday federaal iyo maamul gobol waa la soo wada gurmaday, kuwo xeer ilaaliyaal ah oo dambiga baarayanna waa ay yimaadeen, waxyaabaha guusha weyn laga gaaray baaritaanka hordhaca ah lagu ogaaday waxaa ka mid ah, waxa ay dadka bannaanka ka sheegayaan maba ahan, waa labo ciidan oo isku dhacay, labadaas ciidan xaajadoodana xeer ilaaliyaasha ayaa ku mashquulsan, marka uu baaritaanka dhammaato, waxaan balan qaadeynaa inaan tallaabo qaadno,” ayuu yiri guddoomiye Shuute.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Generaal Liibaan Cali Yarow, ayaa dhankiisa sheegay inaan la siyaasadeyn isku dhacyada ciidamada lagana war sugo baarista bahda garsoorka oo ay hormuud u tahay xeer ilaalinta.

” Ciidamada isku dhacay waa ciidamo ka wada tirsan Dowladda, marka waxaa loo baahan yahay in ciidamada la mideeyo, waxaa loo baahan yahay in askariga dhib geystay la qabto oo maamulka la horkeenno  oo Maxkamadda la horkeenno si caddaalada u wajaho,”.

Wasiirka Difaaca xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa gabagabada gogosha ka sheegay in xilligan dhegaha dadka Soomaaliyeed aysan ku habooneyn isku dhac ciidanada, iyadoo dalku uu ku jiro howlgal lagu ciribtirayo argagixisada.

” Waxaan rabaa meel walba oo ciidamada qalabka sida ay joogaan in ay ogaadaan maarta ay ridayaan iyo qoriga ay ridayaan inuu ku yimid hanti qaranku uu leeyahay oo shacabka Soomaaliyeed canshuurtii laga qaaday ahay ama inuu yahay wax loo dawarsi tegay oo madaxd qaranka iyo Cid walba oo Soomaaliyeed in ay u dawarsi tagtay ay dawarsi ku keentay, laga yeelo maayo wiil Soomaaliyeed oo kitaab u maray inuu dalkiisa iyo qarankiisu difaaco qorigaas kula soo noq noqdo shacabkiisa iyo hay’adihiisa dowladeed, wixii maanta ka dambeeya dhegihiinna fura, qof laguu cafinaayo ma jirto, dhammaan qeybaha ciidanka xoogga dalka meel kasta oo ay joogaan waa in ay dhegahooda u duleeliyaan,”.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho.SONNA...- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan dhexmarey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka,…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taxanaha Taariikhda Tacliinta Soomaaliyeed qeybtii 6-aad(MAQAAL)

Nasiib darro waxay ahayd bilowdgii dhibaatada, Xasan Sheekh ayaa noqday u dhaqdhaaqe bulshada rayidka ah isaga oo adeegsanaya hab diploomaasiyadeedkiisa…

GudahaMaqaalladaWaxbarashada
July 3, 2023

Muhiimadda kulanka Caalamiga ah ee Amniga Soomaaliya ee Washinton (WARBIXIN)

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo fadhi ku yeeshay Magaalada New York ayaa Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka oo saarneed…

GudahaMaqaallada
December 11, 2023

Ummad yahay u nooloow, Sida Aadmigoo kale (WARBIXIN)

Waxaa si rasmi ah u dhaqan galay Canshuurta Gadista ee loo yaqaano (VAT) taasi oo qaab system ahaan u go’aysa…

GudahaMaqaallada
August 20, 2024

Wajiga 2-aad ee la dagaalanka Khawaarijta oo ka bilowday Jiinka Webiga Shabeelle (WARBIXIN)

Bacdamaa uu so Af jarmayo Wajigii 1-aad ee Dagaalka lagu ciribtirayo Kooxda sii liiceysa oo gabalkoodu dhacayo ayaa hadda waxaa…

GudahaMaqaallada
April 8, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023