Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha Booliiska oo shirguddoomiyey kulankii hoggaanada Booliiska
    July 3, 2025
    Ciidanka deegaanka oo shabeellaha dhexe ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah
    July 3, 2025
    Warsaxafeedka shirkii madasha iyo Dowladda Federaalka
    July 3, 2025
    Shirka wadatashiga wasaaraddaha caafimaadka Heer federaal iyo heer dowlad goboleed oo Muqdisho ka furmay
    July 3, 2025
    ๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”
    July 3, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun โ€œCurashadii Maandeeqโ€
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    โ€˜Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyadaโ€™ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Xallinta Xiisada Baraawe iyo Baarista Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada (Warbixin).
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Xallinta Xiisada Baraawe iyo Baarista Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada (Warbixin).
Maqaallada

Xallinta Xiisada Baraawe iyo Baarista Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada (Warbixin).

By Dahir Aadan Cali
Last updated: June 24, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- 12kii Bishan, degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose, isku dhac ciidan oo aan loo turin dadkeeda ayay martigelisay, dhimashada sideed ruux oo dhinacyadii dagaallamay iyo dhaawaca tobonaan kale ayuu ahaa khsaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay magaaladaas.

Wixii intaas ka dambeeyay, waxaa hakad galay dhammaan dhaq-dhaqaaqyadii Bulsho ee halkaas ka jiray oo inta badan dadka ayaa faarujiyay xaafadaha magaalada baraawe ee caasimadda maamulka Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiin iyo dad macaash ka raadinaya wararka been abuurka ah ayaa shaar kale huwiyay dhacdada Baraawe, hase-yesshee, xeel ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo furtay gal-baariseed oo ay ku jiraan raadad argagax leh ayaa si hordhac ah u ogaatay in wixii dhacay aysan dhaafsiineyn lacag ammaah ah.

Si loo helo kala dambeyn iyo, xal deg deg ahna looga gaaro dagaalkii ka dhacay Baraawe, gacanta caddaalada ayey noqotay in ay magaaladaas gaarto si dhinacyada loogu ciqaabo shaqsi kasta iyo kaalintiisa.

Tallaabadii ugu horeysay ee Maxkamadda ciidamada qalabka sida heerarkeeda kala duwan oo ay wehelinayaan wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka iyo wasiirka caddaalada Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin ka socda gobolka Shabeellaha hoose ayaa marka hore la kulmay saraakiisha ciidamada qalabka sida ee ku sugan degmada, waxayna amar ku bixisay Maxkamaddu in la kala qaado ciidamada is-horfadhiya, la iskuna keenno ciidanada ay dirirtu dhexmartay.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta ayaa kormeeray dhammaan difaacyadii ay isku horfadhiyeen ciidamadu oo hadda dhammaantooda la banneeyay.

Ku simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna wasiirka Caddaalada Koonfur Galbeed ayaa ka mahadceliyay dadaallada nabad u raadinta dagaalladii iyo dambiyadii ka dhacay Baraawe.

” Intaasba waxaad ka dareemeysaan muhiimadd ay leedahay caasimadda Koonfur Galbeed iyo dadka ku nool oo dad samir badan oo dulqaad badan oo waliba aan ka mahadcelineyno buuq fara badan oo meelaha la geliyay aanay qeyb ka ahayn oo aad u dulqaatay,waxaan rabaa inaan u mahadceliyo qof kasta oo ka qeyb qaatay dhibaatada meeshan ka dhacday sidii lagu joojin lahaa”.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute oo dhinacyo badan taabtay ayaa digniin adag u jeediyay ciidamada ku wada sugan Baraawe,isagoona hoosta ka xariiqay qof kasta shaqsigiisa lagula xisaabtamayo wixii uu geystay,iyada oo loo eegeynin heybta ama reerka uu ka soo jeedo.

” Arrintaย  anaga maxkamadaa nahay, maxkamadda ciidamada qalabka sida dhibaataa meeshan ka dhacday 12kii bishan, waa la soo wada gurmaday federaal iyo maamul gobol waa la soo wada gurmaday, kuwo xeer ilaaliyaal ah oo dambiga baarayanna waa ay yimaadeen, waxyaabaha guusha weyn laga gaaray baaritaanka hordhaca ah lagu ogaaday waxaa ka mid ah, waxa ay dadka bannaanka ka sheegayaan maba ahan, waa labo ciidan oo isku dhacay, labadaas ciidan xaajadoodana xeer ilaaliyaasha ayaa ku mashquulsan, marka uu baaritaanka dhammaato, waxaan balan qaadeynaa inaan tallaabo qaadno,” ayuu yiri guddoomiye Shuute.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Generaal Liibaan Cali Yarow, ayaa dhankiisa sheegay inaan la siyaasadeyn isku dhacyada ciidamada lagana war sugo baarista bahda garsoorka oo ay hormuud u tahay xeer ilaalinta.

” Ciidamada isku dhacay waa ciidamo ka wada tirsan Dowladda, marka waxaa loo baahan yahay in ciidamada la mideeyo, waxaa loo baahan yahay in askariga dhib geystay la qabto oo maamulka la horkeennoย  oo Maxkamadda la horkeenno si caddaalada u wajaho,”.

Wasiirka Difaaca xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa gabagabada gogosha ka sheegay in xilligan dhegaha dadka Soomaaliyeed aysan ku habooneyn isku dhac ciidanada, iyadoo dalku uu ku jiro howlgal lagu ciribtirayo argagixisada.

” Waxaan rabaa meel walba oo ciidamada qalabka sida ay joogaan in ay ogaadaan maarta ay ridayaan iyo qoriga ay ridayaan inuu ku yimid hanti qaranku uu leeyahay oo shacabka Soomaaliyeed canshuurtii laga qaaday ahay ama inuu yahay wax loo dawarsi tegay oo madaxd qaranka iyo Cid walba oo Soomaaliyeed in ay u dawarsi tagtay ay dawarsi ku keentay, laga yeelo maayo wiil Soomaaliyeed oo kitaab u maray inuu dalkiisa iyo qarankiisu difaaco qorigaas kula soo noq noqdo shacabkiisa iyo hay’adihiisa dowladeed, wixii maanta ka dambeeya dhegihiinna fura, qof laguu cafinaayo ma jirto, dhammaan qeybaha ciidanka xoogga dalka meel kasta oo ay joogaan waa in ay dhegahooda u duleeliyaan,”.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Taliyaha Booliiska oo shirguddoomiyey kulankii hoggaanada Booliiska

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa shir gudoomiyey kulanka todobaadlaha ee…

July 3, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

โ€˜Azerbaijan waa dal aan ka baran karno casharo horumar dhaqaaleโ€™ (WARBIXIN).ย 

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay cutub cusub oo xiriir dibloomaasiyadeed iyo iskaashi dhaqaale. Sanadka 1991 oo noogu…

GudahaMaqaalladaWararka
February 16, 2025

JIDKAAN MEEL KALE OO LOOGA LEEXDO MA LEH (WARBIXIN)

Dowladda Maraykanka ayaa muujisay taageeradeeda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, iyagoo Madaxweynaha iyo Ciidamada Qalabka Sida ee…

GudahaMaqaallada
October 24, 2023

Warbixin Kooban:-Aamusnaanta iyo Faaโ€™iidooyinka ay Leedahayย 

SONNA:-Dhawaqaย  codadka kala duwaanย  ee aan ka fogeyn ayaa ah kuwo sabab u noqda dulqaad yarida,iyadoo Aadanaha qaar ay jacayl…

GudahaMaqaalladaWararka
February 23, 2023

Soomaliya oo taageero dhanka la dagaalanka khawaariijta ka heshay dowladdaha gobolka(Faallo)

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay wada qaateen Madaxweynaha Jamhuuriyadda…

MaqaalladaWararka
February 2, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023