Abijdan (SONNA): Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud ee NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa ka qeyb galay Shirka ID4Africa 2026 oo ka furmay magaalada Abidjan ee dalka Côte d’Ivoire. Wafdiga waxaa qeyb ka ah masuuliyiin ka socda NIRA, SPS, SBA iyo hay’ado kale oo dowladeed.
Shirka ayaa diiradda lagu saaraya hirgelinta nidaamyo dhijitaal ah, iyadoo ka qeyb-galka Soomaaliya uu muhiim u yahay horumarinta Aqoonsiga Qaranka, adeegyada dhijitaalka ah iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.
