Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta
    April 22, 2026
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: ‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad
GudahaMaqaallada

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

By Ruush Abdullahi
Last updated: May 18, 2024
7 Min Read
Share

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha Dalka Soomaaliya haya  Dr: Xasan Shikh Maxamuud oo lagu soo doortay Teendhada Afisyoone ee Magaalada Muqdisho15-kii bishii May ee sanadkii 2022-kii, islamarkaana uu halku dhig ka dhigtay ‘SOMALI HESHIIS, DUNIDANA HESHIIS LA AH’ ayaa waxa uu sheegay inuu wax ka qaban doono qorshayaashaan soo socda:- siyaasadda arrimaha gudaha”-

1. Amiga dalka (la dagaalanka Khawaarijta).

2. Soo celinta amniga Caasimadda ee Muqdisho.

3. La dagaalanka Musuqmaasuqa.

4. Dhameystirka Dastuurka si loo gaaro doorasho Qof iyo cod ah.

Siyaasadda arrimaha dibadda:- inay Soomaaliya Dunida kula dhaqmi doonto si dhex-dhexaadnimo ah,

1. In lagu biro Ururka Bulshada Afrika.

2. Qaadista Cuneqabateynta Hubka.

3. Deyn cafinta.

4, ka bixitaanka Dalka ciidamada nabad ilaalinta ah ee ATMIS oo hore loo oran jira AMISOM.

Haddaba maxaa ka fulay qorshayaasha Dowladda ee dhinacyada siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo midda gudaha?.

Qorshayaasha dowladda ee siyaasadda arrimaha gudaha:-

1.La dagaalanka Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii June sanadkii 2022-dii  waxa uu si rasmi ah u iclaamiyay dagaalka ciribtirka Khawaarijta, kaasi oo bil gudaheed ka bilowday daafaha magaalada Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka, wuxuuna xilligaasi dul-istaagay in uu hoggaamin doono dagaal seddex jiho ah oo Khawaarijta dalka looga xorreynayo, Isaga oo hoosta ka xariiqay dagaal toos ah, mid dhaqaale iyo mid fikir, Ciidamada qalabka Sida, hey’addaha dowladda, Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa farriintaasi si isku mid ah u soo wada dhaweeyay, waxayna muujiyeen kaalintooda dagaalka iyo inay barbar taagan yihiin Madaxweynahooda.

Gulufka Dagaalka oo tooska ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa isna si qorsheysan oo aan hakad laheyn muddo laba sanad ah uga socda dhammaan dowlad goboleedyada dalka kaasi oo saameyn xoog leh ku yeeshay khawaarijtii ku dhuumaaleysan jirtay gobollada dalka, iyadoo dhul ka badan (1.000) Kun KM ayaa sanad gudihiis looga laga ciribtiray Khawaarijta waxaana intaai dheer in ka badan 120 meelood ee isugu jira Deegaanno iyo Degmooyin muhiim ah ayaa soo galay gacanta dowladda welina waxaa socda baacsiga lagu hayo firxadka kooxda khawaarijta, waxaa kaloo jira intii uu socday  howlgallada iyo dagaallada tooska ah oo sanad iyom wax la jira jirsaday ayaa waxaa lagu dilay seddex kun toddobo boqol sagaashan iyo shan oo Maleeshiyaad (4,795) iyo horjoogeyaal sare oo khawaarijta muhiim u ahaa, kuwaasi oo uu ka mid ahaa dhaxal sugihii kooxda Cabdullaahi Nadiir, waxaana tirade guud ee horjoogeyaashu gaareysa gaaraya (57), waxaana lagu burburiyay 73 Saldhig oo khawaarijta fariisin u ahayd iyo (68) shabakadood oo noocyo kala duwan u abaabulnaa.

2.Soo celinta amniga Caasimadda ee Muqdisho.

Sanadan gudahiisa Dowladdu waxay ku guuleysatay inay hanato amniga caasimadda Dalka ee magaalada Muqdisho, waxaana laga ciribtiray Kooxdaha Khawaarijta iyo kuwa u deega ee l magac baxay ciyaal weero (Gangis), kuwaasi oo dhibaato isugu jira dhac, boob, dilal fol xun ka geysan jira gudaha degmoyinka qaarkood, si amniga loo sii xojiyana waxaa kaamarooyin lagu xiray xaruumaha dowladda, waddooyinka iyo gobaha ganacsiga, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay in laga wada qeybqaato sugidda amniga magaalada Muqdisho.

3.La dagaalanka Musuqmaasuqa:-

Musuqmaasuqa waa dhaqan haraadi ah oo aan meelna ku laheyn shareecada islaamka iyo dhismaha dowladnimada casriga ah, waxaana jira dadaallo caalamiya iyo mid heer qaran oo lagu dagaalamayo, sanad walbana waxaa  la sameeyaa qiimayn heer caalami ah, waxaana la soo bandhigaa kaalinta dowlad walba oo dunida ah  ka gasho la dagaallanka Musuqa iyo heerkeeda maamul wanaagga, haddaba dowladda ayaa looga baahan yahay inay dagaal adag ku qaaddo la dagaalankiisa, waxaana ilaa iyo hadda maxkamad loo soo taagay Eedeysanayaal badan oo qaarkood lagu xukumay xariga u dhaxeeya 1 sano iyo iyo 8 sano, waxaana Shacbiga Soomaaliyeed la gudboon in ay dowladda Federaalka ku taageeraan dadaalka ay ugu jirto ciribtirka Musuqa oo ka mid ah caqabadaha ku hor gudban xoojinta tiirarka Dowladnimada Soomaaliya.

4.Dhameystirka Dastuurka:

si loo gaaro doorasho Qof iyo cod ah. Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Jamhuuriyad ku dhisan hanaanka Sarreynta Sharciga, ka sokoow Shareecada Islaamka Dastuurka Jamhuuriyada Federaalaka Soomaaliya ayaa ah sharciga ugu sareeya Dalka. Dastuurka waxa uu muwaadiniinta Jamhuuriyadda siinayaa xuquuqo ay ka midyihiin xuquuqo siyaasadeed, mid dhaqaale, mid bulsho, mid doorasho iyo damaanad qaad sharci iyada oo aan bulashada lakala fuquuqin, sidoo kale waxa uu qeexaa waajibaadka iyo xuquuqaadka dowladda iyo hay’adaheeda, haddana Dastuurka oo ah sharciga ugu sareeya dalka waxaa uu ku meel gaar yahay laga soo bilaabo 2012, (12 sano), sidaasi darteed xiligaan ma tahay mid ku sii haboon in dadka Soomaaliyeed muddo ka badan 12 sano aysan fursad u helin dastuur rasmi ah oo ay iyagu doorteen?.

Su’aashaasi waxaa ka jawaabay Madaxweyaha JFS Shiikh Xasan Shiikh Maxamuud “Dastuurka waa in uu ka jawaabo waxa ay Ummadda Soomaaliyeed rabaan”.

“Dastuurka isagaa ka hadlaayo sida wax ka bedel loogu sameynaayo, Dastuurka waxaa la gaarsiin doonaa ururada bulshada qeybaheeda kala duwan, dowladnimada waa inaan u ogolaanno inay korta, hadaladaasi Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaaddii Jimcaha ka dib ka hadlay dhameystirka Dastuurka, horumarada la gaaray iyo halka ay marayaan, waxaana la filaa inay howshiisu dhammaato sanadka cusub ee 2024-ka.

5. dhameystirka bixitaanka Ciidamada ATMIS;

dhammaan Ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS ay dalka ka baxaan ugu dambeynta dhammaadka sanadkan 2024-ka, iyadoo ay jirto in goobo badan ay ku wareejiyeen Ciidamada Soomaaliyeed sida Madaxtooyada, Golaha Shacabka iyo kuwa ku hareereysan iyo saldhigyo kale oo mid ah  Gobolada Dalka.

la soco qeybta 2-aad

By: C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

Muqdisho 22 Abriil 2026: —Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda…

April 22, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan sheekh oo ka tacsiyeey geerida senator Maxamed Cali Yuusuf

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii, iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu…

GudahaWararka
December 3, 2024

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo soo gabagabeeyay booqasho uu ku tagay Austria

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda FS Mudane Abshir Cumar Jaamac  ayaa soo  gabagabeeyay kulan  uu kaga qeybgalay Dalka Austria oo la…

Gudaha
June 23, 2023

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Muqdisho(SONNA):-Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran u dirtay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed kadib munaasabaddii si guul leh…

GudahaWararka
January 18, 2026

Shirka ka hortagga caqabadaha hortaagan Nabadda Mudug oo ka socda Gaalkacyo

Muqdiso(SONNA):-Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimah Gudaha, Federaalak iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug Mudane Cumar Maxamed Diiriye iyo Wafdi Wasiiro iyo Xildhibaanno ah oo Gaalkacyo…

GudahaWararka
January 5, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023