Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa goordhaw gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Ujeedka safarka Taliyaha Ciidanka XDS, Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud uu ku tagay magaalada Baydhabo ayaa ahaa sidii loo dardargelin lahaa howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta, iyo adkeynta amniga deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
