Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidamada Qaranka iyo kuwa degaanka  oo saakay weerar ku qaaday firxadka khawaarijta aagga deegaanka Ceelhareeri
    June 8, 2025
    Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka
    June 8, 2025
    Ciidamada Xoogga Dalka howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta
    June 7, 2025
    Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka
    June 7, 2025
    Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa
    June 7, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
    Trump oo xannibay awoodda Jaamacadda Harvard ee diiwaangelinta ardayda caalamka
    May 23, 2025
    Shaqaale ka tirsan Safaaradda Israel oo Washington lagu dilay
    May 22, 2025
    Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe
    May 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
    “Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”
    May 21, 2025
    Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
    May 15, 2025
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Xogihii ugu dambeeyay goobaha ciidanka Qaranku ku wajahayaan Khawaarijta (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Xogihii ugu dambeeyay goobaha ciidanka Qaranku ku wajahayaan Khawaarijta (Warbixin)
Maqaallada

Xogihii ugu dambeeyay goobaha ciidanka Qaranku ku wajahayaan Khawaarijta (Warbixin)

By Dahir Aadan Cali
Last updated: April 12, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Argagixisada dhibaatada adag ku haysay dalka muddooyinkan waxay wajahayaan xaalad adag oo ka dhalatay howlgallada socda oo ay iska kaashanayaan ciidamada xoogga dalka iyo shacabka ka kacay dhagarta Khawaarijta Al-shabaab.

Iskaashiga Shacabka iyo ciidamada waxay keentay in deegaanno badan laga saaro maleeshiyada kooxda, iyadoo Bulshadii loogu tegey goobihii la qabtay laga dareemayo dhibaatadii ay ku jireen in ka badan 14-sano.

Mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ugu sareyso ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waxay wadaan tallaabooyin lagu dhiiragelinayo Shacabka si loo sii wado howgalka dalka looga xoreynayo argagixisada.

“ Annaga meesha aan joogno inaan horay uga sii socono ma ogiyee, meel hadda noo qorsheysan oo gadaal uga laabano ma jiro, mar haddii aan u adeegeynno qarabkeenna, oo mar aan u adeegeynno Bulshadeynii, oo mar aan u adeegeynno annaga shaqsiyadeenna sidii ay u nabad geli lahayd, nafteenna, sharafkeenna, maalkeenna iyo cisigeenna halkee uga noqon karnaa, xaq aan u diriri lahayn oo intaas nooga horeeya maa jira, haddii ay cid tahay in laga badbaadiyo Diinta Islaam, waxaa in laga badbaadiyo u baahan nimankan Khawaarijta ah ee afka duuban,” ayuu yiri Generaal Odawaa Yuusuf Raage.

Shacabka ciidanka garabka u ah wali waxay u caaboon yihiin sidii wadanka ay uga qaban lahaayeen kooxda Khawaarijta Al-shabaab oo banneystay dhiiga Shacabka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah.

“ Nin walba dan ayuu lahaa waxa meeshan ina keennay rag iyo dumar waa inaan iska dhicino Al-shabaab, waa inaan Al-shabaab iska celino, wax uu inoo reebtay ma jiro, diyaar baanu u nahay inaan qaadanno kaalinta ummadda Soomaaliyeed ay ka qaadaneyso nimankaas diyaar baanu u nahay, ciidankana waxay u diyaar-garowbeen deegaannada oo dhanna kormeer ayaa ku soo marnay,”.

“ Culeyska ay nagu hayaan ayay walaalaheenna ku hayaan inaan ka dul qaadno, oo ka daba tagno oo iyaga aan la kaashano inaan diyaar u ahaanno ayaa la rabaa,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo qoriga u qaatay dagaalka Khawaarijta.

Waxaa hadda socda qorsha wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka Khawaarijta, kaas oo la doonayo in dalka guud ahaan looga xoreeyo argagixisada, waxaana kaalin weyn ka qaadanaya shacabka Soomaaliyeed oo doorar kala duwan ka qaadanaya sidii loo ciribtiri lahaa dhaqar qabayaasha Al-shabaab.

“halkan lama joogayo, waxaan rabnaa inaan 30-qof kaga tagno, soo xero weyn ma ahan xeradan, in la socdaan rabaa oo waddan furno oo dadka noo yeerayo aan u tagno Shabaabna ka dul qaadno,” ayuu yiri Axmed Madoobe oo ciidanka qaranka kula hadlayay deegaanka Jannaay cabdalla.

Muddo dhowr iyo toban sano ah, qeybo ka mid ah dalka waxaa ku habsaday argagixiso sidii Ayaxa beer galay bulshada Soomaaliyeed ka dhigay kuwo ay dileen, kuwo hantidooda ay boobeen iyo kuwo ay badeen cabsi iyo argagax,balse iminka shacabka oo Dowladda kaashanaya waxay go’aansadeen in ay dalkooda ka xoreystaan Khawaarijta si uga nastaan dhibkooda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ciidamada Qaranka iyo kuwa degaanka  oo saakay weerar ku qaaday firxadka khawaarijta aagga deegaanka Ceelhareeri

Muqdisho(SONNA);-Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa saakay weerar culus oo dhowr jiho…

June 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

12-ka April xuska maalinta qaran ee ciidanka Xoogga Dalka (warbixin)

Umad kasta oo kamid ah bulshooyinka ku dhaqan dunida waxay si gaar ah u leeyihiin  munaasabado iyo xaflado qiimo gal…

GudahaMaqaallada
April 12, 2021

Khatarta ka dhalan karta Hubka aan qarxin (WARBIXIN)

Jimcihii la soo dhaafay ayaa waxaa dhacady dhacdo xanuun badan, iyadoo inta la xaqiijiyay 27 qof ay ku dhinteen qarax…

GudahaMaqaallada
June 13, 2023

‘Hindisahaan waa Rajada iyo Hiigsiga Soomaalida’ (WARBIXIN)

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan daah-furay ‘Hindisaha Muqdishada cusub’, kaasi oo isugu jira dhismaha Garoon diyaaradeed casri…

GudahaMaqaallada
December 21, 2024

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay in laga cafiyo deymaha qaar (MAQAAL)

Muqdisho(SONNA):-Deyn cafinta Soomaaliya waxay ay soo martay heerar kala duwan iyo maraaxillo kala gedisan, waxaana Dowladda Soomaaliyeed xoog saartay sidii…

GudahaMaqaallada
February 15, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023