Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Faah-faahinta khasaare culus oo ka dhashay dagaal Khawaarijta ku dhex maray deegaan ka tirsan Galgaduud (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Faah-faahinta khasaare culus oo ka dhashay dagaal Khawaarijta ku dhex maray deegaan ka tirsan Galgaduud (Warbixin)
Maqaallada

Faah-faahinta khasaare culus oo ka dhashay dagaal Khawaarijta ku dhex maray deegaan ka tirsan Galgaduud (Warbixin)

By Dahir Aadan Cali
Last updated: April 9, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab ku dhexmaray deegaan hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkan oo si rasmi ah uga dhacay deegaanka Bidda-Ciise oo aad ugu dhow degmada Ceeldheer ayaa wararka halkaas laga helayo waxay sheegayaan inuu sii kordhay khasaaraha maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha ka tirsan Al-shabaab ee ku geeriyooday dagaalkaas.

Inkastoo, argagixisadu deegaankaas isgaarsiintu ka xanibeen, dadkana dhaq-dhaqaaqa ay u diideen si aan xogta khasaaraha dagaalka loo helin, haddana warar lagu kalsoonaan karo oo aan deegaanka ka helnay waxay sheegayaan in khasaaraha maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku dhintay dagaalkaas ay gaarayaan labaatameeyo ruux halka dhaawacuna gaarayo afartameeyo.

Dagaalka oo markiisii hore ka bilowday in la dhammeystiro maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Khawaarijta oo iyaga oo dhaawac ah yaalay deegaankaas Bidda-ciise laguna dabiibayay markii kooxda ay aragtay in cadaadis xooggan soo fuulay ay go’aansadeen in dhaawacyada waqti ku lumin, horjoogayaalna ay soo jeediyeen in dhaawacyada la dhammeystiro si looga gudbo, maaddaama kooxdu uu ku furan yahay dagaallo jihooyin kala duwan ah,islamarkaana hadda uu ku bilowday wejigii labaad ee howlgallada Dalka guud ahaanba looga sifeynayo.

Horjoogayaal kale oo ka tirsan kooxda oo dhalasho iyo hayb ahaan ay aad isugu dhow-yihiin dhallinyarada dhaawacyada ah ee yaallo deegaankaas ayaa arrintaas ka biyo diiday iyagoona ka dagaallamay, taas oo keentay gacan ka hadal socday muddo ka badan 24-saac, Al-shabaab uu dhexmaro.

Dagaalka Bidda-Ciise ka dhacay, ku dhowaad 24-saac ay ku dagaallameen maleeshiyaad labada dhinac ah oo horjoogayaal ay kala hoggaaminayaan, ilaa shan horjooge ayaa la xaqiijiyay in dagaalkaas ay ku nafwaayeen iyagoo dhexdooda iska dilay halka maleeshiyaadka dagaalka ku dhintayna hadda labaatan ay kor u dhaafeen.

Xaaladda deegaanka Bidda-Ciise oo dagaalku uu ka dhacay oo ka tirsan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa hadda la soo sheegayaa in ay wali cakiran tahay oo maleeshiyaad Shabaab ah labada dhinac gurmadyo isaga kala yimaadeen,iyadoo hadda wararku ay xaqiijinayaan in dhinacyada halkaas ku dagaallamay qaarkood ay u suurta gashay in maleeshiyaadkii dhaawaca ahaa in la dhammeystiro marka hore dirirtu ay ka bilaabatay la dhammeystiro.

Dhowaan ayay ahayd, markii sidan oo kale, dagaallo ugu dhexmareen isla maleeshiyaad Khawaarijta ka wada tirsan deegaanno hoostaga degmada Xarar-dheere ee gobolka Mudug. Dagaalkan hadda ka dhacay deegaanka Bidda-Ciise ayaa ku soo beegmaya xilli kooxdan jiritaankooda ay maalmo uun ka harsan tahay oo ay ku jiraan xilliyadii ugu dambeeyay dhammaadkooda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

ATMIS oo soo Gabagabeysay Wejigii 2-aad ee dhimista Ciidankooda (WARBIXIN)

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya  ATMIS ayaa dabayaaqadii bishii Janaayo soo gebagabeeyey Wejigii labaad ee dhimista ciidankooda, kadib markii ay…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
March 2, 2024

Maxay yihiin astaamaha Nebigeenna sheegay ee muujinaya in Al-shabaab yihiin Khawaarij?

Muqdisho.(SONNA):- Waa hubaal in maqalka dhegahaaga ku batay kalmadan (Khawaarij), haba ugu badnaato waayahan oo uu labo lixaadsaday Jihaadka dalka…

Maqaallada
January 29, 2023

Mudane Ilaali Sirta Qaranka

Adiga oon fududaanin ilaali sirta Qaranka oo ha dhaawicin hannaanka geeddi socodka siyaasadeed ee Xukuumadda, sidaa daraadered,markasta oo aad tagto…

MaqaalladaWararka
February 15, 2020

DF oo taageero caalami ah u heshay ciribtirka Khawaarijta

Muqdisho.( SONNA):- Wakiilo ka kala socda dalalka Soomaaliya, Qatar, Imaaraadka Carabta, Turkiga, UK iyo Mareynkanka oo kullankoodii saddexaad ku yeeshay…

Maqaallada
June 6, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023