Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta furay tababar ay iska kaashanayaan Wasaaradda Warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho.
Tababarkan oo uu ciwaankiisu yahay yoolalka cilmi baarista, gaar ahaan dhanka Warbaahinta, waxaa ka faa’ideysanaya qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaraadda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, wuxuuna socon doonaa muddo laba maalmood ah.
