Muqdisho-(SONNA)- Sanatarrada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka la-dagaallanka Argagixisada oo horey uga soo gudbay Golaha Shacabka.
Hindise sharciyeedka la-dagaallanka Argagixisada ayaa waxaa cod aqlabiyad ah ku oggolaatay 29 Sanatar.
Xildhibaanada Golaha Shcabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa 8-dii bishan ansixiyay hindise sharciyeedkan la dagaallanka Argagixsada, wuxuuna dhaqan galayaa marka uu saxiixo madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud.