Gaalkacyo.(SONNA):- Kulankan ay wada qaateen Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Puntland iyo bahda dhaqanka ee Gobalka Mudug ayaa ahaa mid diiradda lagu saarayay adkaynta Nabadgelyada, la shaqaynta Maamulka iyo sidii la isaga kaashan lahaa wax kasta oo wax u dhimaya Horumarka iyo Nabadgelyada Gobalka, waxaana sidoo kale kulankaani qayb ka ahaa Guddoomiye ku-xigeen ka Koowaad ee Baarlamaanka Puntland, Maamul ka Gobalka Mudug iyo la taliyayaal Madaxwayne.
Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka Gobalka ayaa Madaxwaynaha Puntland si cad ugu sheegay inay diyaar u yihiin la shaqaynta Maamulka, ayna ku garab taaganyihiin Tallaabo kasta oo lagu horumarinayo Amniga iyo Horumarka Guud ee Gobalka.
Kulaka waxaa kaloo looga hadlay xal u helidda kooxaha ka ganacsada waxyaabaha Maandooriha, gaar ahaan Khamriga iyo wixii ka halmaala, waxaana la isku raacay in hal dhinac looga soo wada jeesto saarista kooxahaani lidiga ku ah amniga iyo Horumarka Gobalka Mudug sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Daberaani.
Kulankan u dhaxeeya Madaxtooyada Puntland iyo odayaasha dhaqameedka Gobalka Mudug ayaa ku soo aadaya maalin un kadib markii iska hor imaad ay laamaha ammaanku ku baacsanayeen kooxaha ka ganacsada khamriga iyo Maandooriyayaasha kala duwani uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, uuna ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Taliyihii Ciidamada Madaxtooyada Puntland Gaashaanle Sare Cismaan Cumar Maxamed.