Baydhabo (SONNA) : Waxaa si rasmi ah u bilowday hadal-jeedinta musharaxiinta u tartamaya xilka Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Munaasabadda ayaa ka socota hoolka doorashada ee magaalada Baydhabo, waxaana goobta ku sugan mas’uuliyiin ka kala socota heerarka Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada, xildhibaanno, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo marti sharaf kale.
Musharaxiinta oo ah saddex ayaa soo bandhigay barnaamijyadooda siyaasadeed iyo aragtidooda hoggaamineed ee ku aaddan mustaqbalka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
