Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo la kulmay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    June 29, 2025
    Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo asteysay qabashada shirweynaha Dhammeystirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo
    June 29, 2025
    Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha garoon diyaaradeed iyo mashaariic kale
    June 29, 2025
    Safaaradda JFS ee Kenya oo si heer sare ah u xustay sanad-guuradii 65-aad ee Maalinta Xorriyadda
    June 29, 2025
    Wasiiru Dowlaha Qorsheynta oo ka Qayb Galaya Shirka 2aad ee Guddiga Sare ee Machadka Qorsheynta Carabta (API)
    June 29, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: ‘Yuusan nagula soo galgalan colaadda Dalkiisa’ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Yuusan nagula soo galgalan colaadda Dalkiisa’ (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

‘Yuusan nagula soo galgalan colaadda Dalkiisa’ (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 27, 2024
8 Min Read
Share

Kacdoon xooggan oo looga soo horjeedo xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ka socda gobalka Amxaaradda ee dalka Ethiopia xili uu xilka iska casilay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenkii ahaana Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Ethiopia Demeke, kaasi oo Abiy Ahmed ay saaxiib isku dhow ahaayeen ilaa iyo 2020kii, waxaana la arkayay Muuqaallo laga duubay kooxaha kacdoonka oo isku soo baxay markii uu is casilay Mr. Demeke kuwaasi oo raasaas ridaya. Maamulka iyo Jabhadda Amxaarada ayaa horay bayaan ay u soo saareen waxay ka soo horjeesteen dhaqanka qar iska tuurnimada ah ee Abiy Ahmed uu isku dayayo inuu ku maaweeliyo Shacabka Itoobiya ee hadda diidan Xukunkiisa.

Demeke Mekonnen waxaa uu ka soo jeedaa qowmiyadda Amxaarada oo haatan dagaal culus oo hubeysan kula jirta Dowladda Ethiopia ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, waxaana xilkii uu hayay lagu bedelay Temesgen Tiruneh oo ah Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka, Dalka Ethiopia waxaa ka taagan dagaalo sokeeye oo qowmiyado ku saleysan, kuwaasl oo khatar ku ah amniga dalkaasi iyo kan gobolka intaba.

Demeke oo ahaa Gudoomiye ku xigeenka 3-aad ee xisbiga Barwaaqo-sooranka ee Xisbiga Talada haya, uuna ku matalayay Garabka Amxaarada ayaa sidoo kale laga qaaday xilkii uu hayay, Sidaasna waxa lagaga dhawaaqay Kulankii Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga PP, ilaa hadda lama yaqaano sababta, balse, Xuuraan loo qaateen ah ayaa daaha ka rogayaa in Xisbiga haya talada Ethiopia ee PP-da uu taageeray Is-afgaradkii ay Dawladda dalkaasi la gashay Maamulka Somaliland, kaasoo ogolaanayay in Dhul/Xeeb Soomaaliyeed laga dhiso Saldhig milateri oo ay Ethiopia leedahay, iyadoo uu ka soo horjeestay Mr.Demeke Meknnen. Ku darsoo bilihii ugu dambeeyay Kacdoonka kooxda FANO ee Hubeysan kana wadaan Gobolada Amxaarada ayaa la sheegayaa iney Degaano badan kala wareegeen Ciidamada Ethiopia oo u badan Qabiilka Oromada ee uu ka soo jeedo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Wararakii ugu dambeeyay oo mar dhow soo dhacay ayaa sheegaya in Ciidamada Jabhadda Amxaarada ay isku gadaameen xerada Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiyaha ee deegaanka Ensaro Shewa oo qiyaastii 93km u jirta magaalada Addis Ababa, ee Caasimadda Itoobiya, sida ay sheegeen xubno ka tirsan Jabhadda. Dagaalamayaasha Jabhadda Amxaara, iyagoo hadda Kaabiga ku haya magaaladda Addis Ababa ee uu ku shaqeeyo R/wasaare Abiy Axmed, waa sida qortay Amhara News Service, waxaa kaloo ay qortay in Gobalka Maamulka Axmaarada uu ka socda kacdoonkii ugu xoogganaa, waxaa laga maqlayay rasaas dabaal deg u muuqatay markii uu is casilay R/wasaare ku xigeenkii Itoobiya ahaana Wasiirkii Arrimaha Dibadda.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa markii ugu horreeysay ka hadlay xiisadda ka dhalatay is-afgaradkii Somaliland iyo dalkiisa dhexmaray bilowgii bishan, waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in hab diblomaasiyadeed lagu xalliyo xiisadda u dhexaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo aanay soo farogalin wax uu ku sheegay “dhinacyo ka baxsan.”

Abiy oo hadal ka jeedinayay  shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga talada haya ee Barwaaqo (PP), wuxuu intaa raacshey in Itoobiya ay kaga dhinteen boqollaal ciidan ah, si loo helo midnimo iyo nabad ka dhalata Soomaaliya, islamarkaana aanay dalkiisa dani ugu jirin colaad dhex dhexmarta labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya. “Itoobiya gabi ahaanba wax dan ah kama laha la dagaalanka Soomaaliya,” ayuu yiri Abiy Ahmed isagoo sheegay in uu dadaal xoog leh ay dowladiisu ka sameeysay sidii ay u midoobi lahaayeen Soomaaliya.

Marka dagaal Ooge Abiy Dadkiisana uma roona Deriskana uma roona, waxa uuna u isticmaalka aan loo meel dayin ee diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (UAVs) ee Itoobiya, gaar ahaan ujeeddooyinka dagaalka, ayaa noqday masiibo bini’aadantinimo oo ba’an oo u baahan in caalamku wax ka qabto. Tan iyo markii uu qarxay dagaalka Tigray bishii Noofambar 2020-kii, kumannaan qof oo rayid ah ayaa si xun loogu waxyeeleeyay duqeymo ay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee hawada ka goobaha ay ku noolaayeen. Weerarkii bahalnimada ahaa ee dhawaan lagu qaaday xarun dugsi oo ku taal Dedebit, Tigray, 07 Janaayo, 2022-kii, ayaa la xaqiijiyay in halkaasi oo lagu dilay in ka badan 55 qof oo rayid ah oo gabbaad halkaasi ka dhigtay.

Dhacdooyin ay ka mid yihiin weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ku qaadeen kaniisadda Full Gospel ee ku taalla Kombolcha ee gobolka Oromia, oo ay ku naf waayeen siddeed qof, iyo weerar lagu qaaday baabuur kuwa gargaarka deg-degga (ambulance) oo sahay caafimaad u siday gobolka ama deegaanka Amxaarada, oo ay ka dhasheen dhimashada shan qof, ayaa ka tarjumeysa sida aan ka fiirsiga laheyn ee loo beegsanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan iyo burburinta kaabayaasha muhiimka ah.

Tallaabada gurracan ee ay qaadday Ethiopia ee ay ku faragelinayso Qaranimada Soomaaliya ayaa loo arkaa mid si ula kac ah lagu wiiqayo guulaha iyo horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, dhanka kalena ay Ethiopia khatar ku gelinayso amniga gobolka iyo kan caalamka intaba. haddaba yuusan nagula soo gal galan colaaddda ka aloosan Dalkiisaa Itoobiya, taasi ayaa u baahan wax iska weydiin.

Madaxweynaha Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh ayaa sheegay in Itoobiya aysan doonayn oo keliya badda balse ay doonayso in ay ku darsato dhulka Soomaaliyeed, taasina aysan dhici doonin., wuxuuna intaasi ku daray in Soomaaliya iyo Itoobiya ay leeyihiin Taariikh ku suntan colaad iyo dagaallo, balse ay Soomaaliya boggaasi iska laabtay, iyadoo go’aansatay in ay waddamada gobolka kula noolaato nabad, sida uu sheegay Teledishinka Al-carabiya ayaa intaasi ku daray in haddii ay Itoobiya joojin weydo tallaabooyinka waallida ah ee ay qaadayso ay iyaguna cid walba weydiisan doonaan taageero gaar ahaan dowladda Masar.

Dhinaca kale inuusan dagaal Ooge Abiy dhanna u rooneyn waxaad ka garan kartaa sida uu ula dhaqmo Shucuubta Itoobiyaanka ah, mar uu gumaado Qowmiyadda uu ka dhashay ee Oromada, mar uu gumaado tan Tigreega, haddana waxa uu sifeyn ku hayaan midda Amxaarada, marka Shacabka Amxaarada dalka Itoobiya ayaa ka hor yimid damaca qalafsan ee Abiya Axmed ee ku wajahan dhulka Soomaaliyeed, iyadoo qaar ka mid ah shacabka Amxaarada dalka Itoobiya oo ka hadlay heshiis beenaadkii dhexmaray Abiy Axmed iyo Muuse Buxi ayay ku tilmaameen inuu ahaa mid qar iska tuurka ah, islamarkaana aan laga fiirsan, waxayna sheegeen Shacabka Amxaarada in shacabka Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin in ay ilaashadaan midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee jamhuuriyadda Soomaaliya.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo la kulmay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Midship,(SONNA):- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa…

June 29, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Midowga Afrika oo isku raacay in Soomaaliya ay noqoto murashax u taagan kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibedda) ee Midowga Afrika ayaa si buuxda isugu raacay in Soomaaliya ay noqoto dalka kaliya ee ka…

Gudaha
February 16, 2024

Wasaaradda Arrimaha gudaha oo muqdisho ka furtay shir muhiim ah

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa Magaalada Muqdisho ku daahfurtay Kulanka Dhamaystirka Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran oo socon doona…

GudahaWararka
November 7, 2023

18 ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab oo lagu dilay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Muqdisho (SONNA) In ka badan 18 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan…

GudahaWararka
February 11, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada

Dubai (SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada…

CaalamkaGudahaWararka
December 1, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023