Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland
    June 2, 2026
    Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya
    June 2, 2026
    DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed
    June 2, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 2, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: “Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > “Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”
GudahaMaqaalladaWararka

“Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”

By Ruush Abdullahi
Last updated: May 21, 2025
6 Min Read
Share

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa weerar qorshaysan ku qaaday kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya dhulka howdka ah ee u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo Weerarkan ay si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceel-Hareeri ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ciidamadu si toos ah ugu beegsadeen xarun ay Khawaarijtu isku uruursanayeen. Intii uu socday howlgalkaasi, waxaa lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Khawaarijta, waxaana halkaas lagaga saaray godod ay horay gabaad uga dhigan jireen.

Sidoo kale, maydadka xubnihii laga dilay kooxda ayaa halkaas yaallay, iyadoo cadowgu uu jab weyn kala kulmay dagaalka. Ciidamada deegaanka gobolka Hiiraan iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guul weyn ka gaaray howlgalkaasi, waxaana Khawaarijta laga saaray saldhigyo muhiim ah oo ay ku lahaayeen xadka u dhexeeya Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa mar kale shalay weerar culus ku qaaday dhulka howldka ah ee ay khawaarijtu kaga dhuumaalaysanayaan xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe, iyadoo muuqaallo lagu baahiyay Baraha Bulshada lagu arkayay Godad ay qoteen Khawaarijta laga saaray markii looga itaal roonaaday dagaalkii halkaasi ka dhacay.

Ciidamada weerarka qaaday ayaa markoodi hore ka baxay deegaanka Ceel-hareeri ee gobolka Hiiraan, waxaana cadowga Khawaarijta ah loogu galay goob ay isku uruursanayeen, halkaasi oo ay dagaal culus la galeen kooxda Khawaarijta ah, sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan.

Maalmihii la soo dhaafay howlgallo is dabajoog ah oo ciidamada deegaanka iyo kuwa Qaranka ay ku baacsanayeen cadowga Khawaarijta ah ayaa lagu dilay dhagarqabayaal badan, iyadoo Argagixisada laga xoreeyay deegaanno muhiim ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maalmahan booqonaya xaq-u-dirirka deegaanka iyo Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan difaacyada kala duwan, waxa uuna kormeeray deegaanka Geel-gub. Saraakiisha ayaa warbixin ku siiyay Madaxweynaha in dhammaan ciidamada kala duwan ay ku jiraan heegan buuxo, iyadoo la sheegay in uu Madaxweynuhu sameynayo isku-xir guud oo dagaalka, xilli la mideeyay gulufka lagu dabar-goynayo Khawaarijta.

“Culeyska Argagixisada ay ku heyso Hirshabeelle ayaan soo af-jareynaa, waxaan ku baaqayaa awood mid ah inaan ku wajahno dagaalka oo laga fogaado midnimo la’aan.” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle. Khawaarijta, ayaa dagaallamayaashii ugu badnaa waxaa looga dilay Hirshabeelle, welina waxaa ku socdo beegsi xooggan, iyadoo ay bilqan yihiin Meydadka kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab.

Wararka laga helaayo Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Xalay  dhulka lala simey xarumo keydka hubka u ahaa Kooxda Khawaarijta ah ee AlShabaab, iyadoo la sheegay in Dhowr magaalo oo ay Maleeshiyaadka ku kedsanayeen hub ayaana la burburiyay. Duleedka Degmada Jilib xarunta keydka ee ugu weynayd ayaa lala helay gantaalo dhowr ah, waana ay gubatay. Sidoo kale xaruntoodii degmada Sablaale duleedkeeda ku taaley ayaa iyaduna la gubay, halka Kunya-barow ay iyaduna xalay lala helay dhowr gantaal xarunta kooxdaasi u aheyd keydka.

Duulaankaasi oo ahaa dhinaca Cirka ayaa waxaa howlgalkaasi iska kaashaday Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka ayaa sidoo kale waxaa la bartilmaamedsadey Xarun tababar u aheyd kooxdaasi oo ay ku sugnaayeen in ka badan 300 oo Maleeshiyaad, kuwaasi oo  isugu jira Ajaaniib, Madax Afrikaan ah & Macalimiin, iyadoo halkaasi ay naftooda ku waayeen 29 Sarkaal oo u badan Ajaanib, sida xogta lagu helayo. Inkastoo aan wali la helin tafaasiil intaasi dhaafsan, balse Dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay faahfaahin ka bixiso wixii halkaasi ka dhacay. AUN Abwaan Cabdi Bashiir Indhabuur ayaa laga hayaa hees dhiiragin u ah Mujaahidiinta haatan ku howlan ciribtirka Khawaarijta ayaa waxaa Miraheeda waxaa ka mid ahaa “ Jabaabiibta Soomaaliyeedeey Jihaad gala, Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo Jihaad u gala”.

Warar kale oo laga helayo Howlgal Qorsheysan oo Ka Dhacay Duleedka Sabiid iyo Caanoole ayaa sheegaya in Ciidamada Qaranka ay saacadihii la soo dhaafay fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhacay duleedka deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu burburiyay fariisimo ay kooxda Khawaarijtu ku lahaayeen.

Ciidamada gaarka ah ee Gaashaan ee NISA ayaa howlgal gaar ah oo qorshaysnaa ka fuliyay deegaanka Sabiib ee Shabeelada Hoose, iyadoo Duqaymo xoogan lagu garaacay meelo ay ka dhuumanayeen, iyada oo loogu galay godod ay ku dhuumanayeen. Howlgalka ayaa si gaar ah lagu beegsaday saldhigyo ay Argagixisadu ku lahaayeen dhulka beeraha ah, kuwaasi oo ay ka soo abaabuli jireen weerarada ay ku dhibaateynayeen shacabka.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in kooxda laga burburiyay guud ahaan goobihii ay gabbaad ka dhiganayeen, ayna ka soo abaabuli jireen dhagarta dadka Soomaaliyeed,  waxayna sidoo kale sheegeen in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga gobolka.

Warar kale oo laga helayo Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Danab ay deegaanka Barjalla ee gobolka Jubbada Hoose oo u dhow degmada Afmadow ku qabtay maxaabiis Khawaarij ah oo ay ku dumiyeen godadkii ay ku dhuumanayeen.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Geneva (SONNA): Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta…

June 2, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo furay Shirka Madasha Garsoorka

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare dalka, Mudane Bashe Yusuf Axmed, ayaa si rasmi ah u furay Shirka madasha garsoorayaasha. Madashan ayaa waxaa…

GudahaWararka
August 28, 2024

Madaxweyne Laftagareen oo kulan la qaatay danjiraha dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay danjiraha dowladda Mareykanka u fadhiya…

GudahaWararka
February 20, 2025

Ururka Suxufiyiinta IFJ oo Cambaareeyay falalka lagu Caburinayo Suxufiyiinta degaanada Somaliland

Muqdisho(SONNA);-Ururka Suxufiyiinta Caalamka ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano IFJ ayaa si aad ah u cambaareeyay falalka guracan…

GudahaWararka
January 13, 2024

Amiirka Qadar oo ka qeybgalay heshiis ay wada gaareen Dalalka Khaliijka

Magaalada Al-cula ee dalka Sacuudiga waxaa ku shiray madaxda waddamada Khaliijka, waxaana  markii ugu horreysay muddo 3 sanno ah kaddib…

Wararka
January 6, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023