Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Aqoon-isweydaarsi sare oo ku saabsan Teknoolojiyadda Internet-ka oo Muqdisho lagu qabtay
    June 10, 2026
    Meertada 3-aad ee Madasha Maayarada dalka oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey
    June 11, 2026
    Ra’iisul wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaamiyaha cusub ee Koofur Galbeed
    June 10, 2026
    Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay oo celinta Garsoore Cumar Cartan
    June 10, 2026
    Wasiirka Ganacsiga oo Muqdisho ka furay shir ku saabsan isku-xirka ganacsiga geeska Afrika
    June 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Garsoore Cumar Cartan waxaa laga yaabaa inay sidaasi kheyr ugu jirto
    June 10, 2026
    Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha
    June 9, 2026
    Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’
    June 3, 2026
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Bulshada Soomaaliyeed oo ka falcelisay soo celinta Garsoore Cumar Cartan
    June 11, 2026
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
Reading: Xukuumadda Soomaaliya oo soo saartay amaro lagu xakameynayo faafida Xanuunka COVID19
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Xukuumadda Soomaaliya oo soo saartay amaro lagu xakameynayo faafida Xanuunka COVID19
Wararka

Xukuumadda Soomaaliya oo soo saartay amaro lagu xakameynayo faafida Xanuunka COVID19

By Aadan Sooyaal
Last updated: March 2, 2021
5 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya H.E. Maxamed Xuseen Rooble, markii uu qiimeeyey soo laba kaclaynta xanuunka COVID-19 Markii uu dib u eegis Ku sameeyey go’aamadii hore ee Xukuumadda Isla markaana tixgeliyey talooyinkii iyo soo-jeedimihii Guddiga Qaran ee ka Hortaga iyo Xakameynta Cudurka Covid19:

Si looga hortagayo loona xakameynayo Faafidda Xaunuunka Covid19. Waxa uu soo saaray amaradan iyo habraacyadan soo socda:

XAKAMEYNTA XANUUNKA COVID19 EE GUDAHA DALKA:

• Qofkasta waa inuu xirtaa Afsaar ama Mask marka uu joogo dhammaan goobaha la isugu yimaado sida Suuqyada, Masaajida, gaadiidka dadweynaha, goobaha ganacsiga iyo meel kasta oo dadweyne isugu yimaaddo.

• Xafiisyada Dowladda si ku meel gaar ah ayaa loo xirayaa muddo 2 usbuuc ah oo ka bilaabanaysa 3da March 2021, Shaqaalaha waxey kasoo shaqeyn doona guriga, marka laga reebo kuwa bixiya adeegyada muhiimka ah.

• Dhammaan goobaha waxbarashada kuwa Dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay sida Iskuullada iyo Jaamacadaha waa la xidhi doonaa Muddo 2 Isbuuc ah laga bilaabo 3da March ilaa 17ka March 2021.

• Isu socodka Caasimada Dalka iyo Gobalada waa la dhimi doonaa muddo 2 isbuuc ah laga bilaabo 3da March 2021 ilaa 17ka March 2021.

• Gaadiidka Dadweynaha iyo kuwa Gaarka loo leeyahay ayaa si caadi ah usii socon doona guddaha magaalooyinka, waxaana waajib ah in dadku xirtaan Afsaar ayna hubiyaan Kala fogaashaha bulshada.

. Waxa muddo 30 maalmood ah la’ joojiyey xafladaha Aroosyada, sidoo kalena waxa la mamnuucay goobaha caweysyada ee habeenkii dhalinyaradu ku kulanto.

• Mootooyinka (Bajaaj) iyo Basaska (Hoomeey) waa loo oggol yahay inay qaadaan rakaab waana inay dhowraan nadaafadda, Dadkuna kal fogaadan, qaataana Afxirka wajiga.

• Kulamada dadka wixii kabadan 10 qofood waa la joojiyay mudda 1 Bil ah. Isu soo baxyada khaaska ah ee ruqsadda la siiyey waxa ku xiran shuruud ah:
1. In dadka isu soo baxayaa isu jirsadaan 2 mitir
2. In qof kasta oo imanayna isu soo baxa uu soo qaato afxir ama mask

• Goobaha Jirdhiska iyo Garoomada Ciyaaraha waxaa la hakiniyaa muddo 2 todobaad ah oo ka bilaabanaysa 3-da March illaa 17ka March 2021.

• Kulamada aaska iyo kuwa tacsida waa inaysan ka badnaan 10 qofood iyadoo la hubin doono kala fogaashaha bulshada iyo qaadashada Afsaarka.

• Wasaaradda Caafimaadku waxay adkaynaysaa ilaalinta fayadhowrka guud ee goobaha dadku isugu yimadaan sida suuqyada, Masaajida, Isbitaaldda, Bangiyada iyo goobaha lamidka ah si loo yareeyo faafitaanka Cudurka Covid19.

• Waxaa Waajib ah in dhamaan dadka adeega usoo doonta ama jooga goobaha Caafimaadka ay markasta xirnaadaan Afxirka ama Afsaarka sida Isbitaalada iyo Farmashiyaasha.

. Waxa waajib ah in dhammaan dadka ka adeeganaya goobaha ganacsiga ay qaataan afsaar ama afxir.

DADKA DHOOFAYA AMA SOO GALAYA DALKA

• Qof walba oo imaanaya ama ka’dhoofaya Dalka waa inuu si joogta ah u xirtaa Afxirka si loo yaareeyo faafitaanka cudurka Covid19.

• Waa in dadka safraya ay maraan baarista Xanuunka COVID-19, iskana soo baaraan goobaha loo asteeyay baarista si ay iskaga soo hubiyaan inaysan qabin xanuunka (COVID-19) ka hor 72 saacadood inta ayna safrin.

• Qof aanan wadanin Shahaadadda baaritaanka Covid19 looma ogolaan doono inuu soo galo Dalka (Negative COVID-19 Certificate), waxaa waajiba ah qofku in uu wato shahaado soo baxday muddo 72 saacadood Gudohood ah.

• Shirkadaha diyaaradaha waa inay fariimaha ka hortaga COVID-19 dabaacaan una sharaxaan rakaabka si loo ilaayo fayaqabka inta lagu gudo jiro duulimaadka

• Dhammaan Dadka Ka imaanaya dibad dalka waa inay si iskood isu Karantiillan muddo 7 maalmood isla Markaasna iska maraan tijaabada PCR marka uu dhamaysto muddada karantiilka.

• Arimaha la’ xiriira kala badalka Ciidamada Nabad ilaalinta (AMISOM) iyo Ciidamada Ilaaliya xarumaha UNka (United Nation Guard Unit in Mogadishu) waxaa lafaraya inay raacaan habraaca UNGU Rotation Plan for COVID-19 si loo ilaaliyo caafimaadka guud ee dalka.

• Dhamaan Hay’addaha Dowliga ah ee ku shaqada leh hawlaha garoomada diyaaradaha dalka in ay si dhaw uga wada shaqeeyaan arrimaha duulimaadyada dadka imaanayana si loogu diyaariyo jawi caafimad qab ah loogana taxadaro codurka COVID-19

. Waxa la farayaa Wasaaradda Caafimaadka in sida ugu dhakhso badan ay u soo diyaariso habraac lagu hubinayo bedqabka dadka ka imanaya Dalka dibaddiisa, isla markaana lagaga qaadayo baaris rasmi ah marka qofku soo dego, qofkii COVID19 laga helana lagu karantiilo, iyada oo qofkaasi jeebkiisa ka bixin doono qarashka karantiilka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Aqoon-isweydaarsi sare oo ku saabsan Teknoolojiyadda Internet-ka oo Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho (SONNA): Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Xarunta Qaran ee IPv6, oo ay martigeliso Jaamacadda…

June 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Hamas oo wareejisay 3 maxaabiis iyo Israel oo iyaduna sii deysay 183 ruux

Kooxda Xamaas ayaa sii daysay saddex maxbuus oo ah kuwii ugu dambeeyay heerkii is-dhaafsiga ee ku xusnaa heshiis xabbad-joojinta oo…

Caalamka
February 1, 2025

Digniinta Duufaanta Laly oo soo kordhaysa (WARBIXIN)

Inkastoo hadda la gudagalayo xilliga Xagaagga oo ay kacaan dabeylaha Maansoorka ee  dhinaca Xeebaha ah, islamarkaana la galayo Bad-xiranka oo…

GudahaMaqaallada
May 29, 2024

Booliska oo qabtay konteenar ay ku jiraan waxyaabaha maanka dooriya

Muqdisho-(SONNA)-Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa maanta qabtay koonteenar ay ku jiraan waxyaabaha maanka dooriya oo loosoo ekeysiiyay dawo. Afhayeenka Booliska Soomaaliya…

GudahaWararka
October 16, 2025

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Muqdisho,(SONNA):- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas oo khuseeya sugidda Amniga Duulista Rayidka, heshiisyada ay Soomaaliya xubinta…

GudahaWararka
July 12, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023