Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo digniin ka soo saaray maleeshiyaadka amniga qalqalgalinaya
    June 4, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo u Hambalyeeyay guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed
    June 4, 2026
    Mahad Maxamed Sheekh oo ku guuleystay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed
    June 4, 2026
    War-saxaafadeed: Dowladda Soomaaliya oo digniin ka soo saartay falalka lagu dhaawacayo amniga caasimadda
    June 3, 2026
    Wasiirro ka tirsan xukuumadda FS oo u daawasho tagay horyaalka Soomaaliya oo koraya
    June 3, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’
    June 3, 2026
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Xog: Soo saarista Shidaalka Soomaliya (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xog: Soo saarista Shidaalka Soomaliya (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Xog: Soo saarista Shidaalka Soomaliya (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 28, 2024
8 Min Read
Share

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay ciidamada ka socda wadanka Turkiye oo la filayo inay soo gaaraan Xeebaha Soomaaliya, waxaana arrintaasi ka hadlay La taliya Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliuya Xuseen Sheekh Cali, wuxuuna sheegay in ciidamada ka socda dowlada Turkiga ee imaanaya Soomaaliya ay qeyb ka yihiin heshiiskii difaac ay Soomaaliya iyo Turkiga ay wada gaareen.

La taliyuhu isagoo sharaxaya shaqada cidamadaasi ayaa xusay in ciidamadaasi ay noqon doonaan kuwa ka socda Turkiye, ‘si ay u tababaraan Ciidamada Badda ee Soomaliya oo u taagan difaaca Xeebaha Soomaaliya’, waxa uuna intaasi ku daray in labada dowladoodba ay dadaal ugu jiraan dhaqan-galintaasi heshiiskaasi, dibna laga soo sheegi doono goobaha ay ka howlgali doonaan ciidamada Badda ee Dalka Turkiye.

Dhinaca kale Wakaaladda Wararka Turkiye Anadol ayaa daabacday warbixin ay cinwaan uga dhigtay ‘Turkiga oo saxiixay heshiis soo saarista shidaalka Soomaaliya’, waxayna u soo direysaa Markab ka qeybqaadanaya baarista shidaalka ka buuxa Xeebaha Soomaalaiya, ayna ilaalin doonaan Maraakiib dagaal. Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya Markab Shidaal iyo Gaas ka baara Xeebaha Soomaaliya, waxaana la soo warinayaa in Turkiga uu Xeebaha Soomaaliya u soo diri doona dabayaaqada sanadkan markab sahmin doona Shidaal iyo Gaas, Qorshahaan ayaa qeyb ka ah heshiis iskaashi oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, sida ay sheegtay Wasaaradda Tamarta ee dalkaTurkiga dhawaan.

“Waxaan u soo diri doonnaa markabka Oruc Reis dhammaadka Sebtembar, ama horraanta Oktoobar Soomaaliya, wuxuu halkaas ka sameyn doonaa daraasad weyn oo seismic ah, oo socon karta bilo,” ayuu yiri wasiirka tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar. Markabkaan ayaa baari doonnaa Seddex Baloog, iyadoo Labo ka mid ah seddexdaasi baloog (Xirmo), ayaa 50 kiiloomitir u jira xeebaha Soomaaliya, Bayraktar ayaa intaasi ku daray in midka kalena uu u jiro ilaa 100 km.

“Waxaan u maleyneynaa in Soomaaliya ay leedahay kheyraad badan oo shidaal iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha, waxaan saxiixnay heshiis dhinaca badda ah oo saddex baloog ah, Turkiga wuxuu yeelan doonaa xuquuq gaar ah oo raadinta iyo soo saarista marka aan ka helno shidaalka meelahaas,” ayuu yiri Bayraktar.

Bishii Maarso, Turkiga ayaa Soomaaliya la saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka saliidda iyo gaaska dabiiciga ah, Wasaaradda Tamarta ee Turkiga ayaa sheegtay in ay sii xoojineyso xiriirka labada dal, ka dib markii ay heshiis dhanka difaaca ah ku heshiiyeen; Madaxweynaha Dalka Turkiye Recep Tayyip Erdogan ayaa u gudbiyay Baarlamaanka Turkiga qaraarka Ciidamo Turki ah loogu soo diraya xeebaha dalka Soomaaliya, si ay u ilaaliyaan, isagoo baarlamaan dalkiisa ka codsaday in ay meel-mariyaan arrintaasi. Labada dal ayaa bishii February 2024 kala saxiixday heshiiska difaaca badda oo 10 sano qaadanaya, kaasoo yimid bil kadib markii Itoobiya is-afgaradka la gashay Maamulka Somaliland.

Maraakiib dagaal oo ka socda Turkiga ayaa ku soo wajahan biyaha Soomaaliya oo ka ilaalin doonaan cadowga ku soo xadgudba xeebaha, kalluumaysiga sharci-daradda, sunta lagu soo shubo iyo wixii la mid ah. Sida uu qabo heshiiska iskaashiga difaaca badda iyo dhaqaalaha, Turkiga ayaa Ciidamo badeed u dhisaya dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, Turkiga waxaa la filayaa in September dhammaadkeeda ama bilowga October inuu Markab kale oo shidaal baaraya u soo dirto xeebaha dalka Soomaaliya oo saddex balook oo badda dhexdeeda ah loo malaynayaa in Gaas iyo Saliid ay dhex ceegaagaan, waxaana Shirkad dowladda Turkiga leedahay oo TPAO la yiraa loo xilsaarey baarista iyo soo saarka shidaalka Soomaaliya, iyadoo taasi muujineyso sida Turkiga uga go’an tahay inuu Soomaaliya kaalmo waaweyn ka qaato siiba dhinacyada dhaqaale kabis, dhisid ciidan oo cudud xooggan leh iyo abuurid ilo dhaqaale oo cusub, waxaana xusid mudan in Turkiga shirkado laga leeyahay ay haatanba maamulaan Garoonka diyaaradaha Adan Cadde iyo Dekadda oo ah illaha dhaqaalaha ugu weyn dalka, iyadoo dhanka militeriga, dowladda Turkiga ay tababarto Ciidamo booliska iyo militeriga ka tirsan iyo kuwa cirka, taasoo qeyb uga qaadanyso dib u dhiska Ciidanka qaranka oo lagu wado inay Mas’uuliyadda amniga kala wareegaan ATMIS marka la gaaro bisha December 2024-ka.

Dhinaca kale Wakaaladda Wararka Turkiye Anadol ayaa daabacday kal hore warbixin ay cinwaan uga dhigtay ‘Turkiga oo saxiixay heshiis soo saarista shidaalka Soomaaliya’, waxayna u soo direysaa Markab ka qeybqaadanaya baarista shidaalka ka buuxa Xeebaha Soomaalaiya, islamarkaana ilaalin doonaan Maraakiib dagaal oo ay leedahay dowladda Turkiye.

“Soomaaliya waa cajiib, waxay leeyhiin Xeebta ugu dheer Afrika, waana Xeebta ugu dheer ee dhinca Biyaha kulul, taasi oo aanan wali Gaas laga qodin, waana Badda kulul ee ka sii dheer midda waqooyiga Ingiriiska, Jarmalka, Faransiiska iyo Biljamka”, sidaasina waxaa sheegay Khabiir dhinaca Saliidda ah oo u dhashay Wadanka Ingiriiska. Halkaasi waxaa ka cad in Biyaha kululi ay yihiin calaamad weyn oo ku tuseysa in laga helaayo Badda Soomaaliya Gaas cadaddiisu aad u fara badan tahay.

Wasiirka Batroolka iyo Macdnta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa wareysi uu siiyey kal hore BBC-da ku sheegay in Soomaaliya ay dabayaaqada sanadkaan la soo saari doono shidaalkii ugu horreeyay ee laga qodo gudaha Soomaaliya, kaasi oo la filayo in uu noqdo maaddada ceeriinka ah, kadibna loo diri doono tijaabo baaritaan, iyadoo ay dhawaan khubaro ka socota Hey’adda Batroolka Soomaaliya ay booqdeen deegaanno ka tirsan Galmudug, gaar ahaan degmada Hobyo, halkaas oo ay maamulka iyo dadka deegaanka kala hadleen saameynta dhinaca deegaanka ee ay yeelan karto shidaal soo saaristu, wuxuuna Waraysiga uu BBC da siiyay Wasiirka Batroolka ayuu ku faahfaahiyey qorshaha shidaal soo saaridda iyo sida ay isugu xigaan howlaha lagu soo saarayo shidalka ceeriin.

Haddaba dowladda Soomaaliya ayaa rajeynaysa in shidaal qodista la bilaabo horraanta sanadka 2025-ka, sida uu sheegay  Dr Cabdirsaaq Cumar Maxamed Wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta dowladda Federalka Soomaaliya, iyadoo Dowladda FS ayaa tallaabooyin is xig-xiga u qaaday in laga faa’iideysto khayraadka Shidaalka, waxaana ay heshiis arrinkaas ku saabsan la gashay dowladda Turkiga.

Dr Cabdirsaaq Cumar Maxamed Wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta dowladda FS ayaa sheegay in bisha September ee soo socota uu dalka imaan doono Markab laga leeyahay dalka Turkiga, kaasi oo sameynaya sahankii u dambeeyey ee meelaha ku haboon in laga qodo Ceelasha Shidaalka eek u keydsan Xeebaha Soomaaliya. Wasiirka ayaa xusay in horraanta sanadka 2025-ta la filayo in la bilaabo qodista rasmiha ah ee shidaalka, taasi oo noqoneysa tallaabo wax ku ool ah oo looga faa’iideysanayo khayraadka dabiiciga ah ee dalka, waxaa kaloo uu tlmaamay in Soomaaliya ay xubin ka noqonayso hay’adda caalamiha ah ee tamarta laga dhaliyo Nukliyeerka, (IAEA), taasi oo faa’iido weyn u soo kordhinaysa Soomaaliya.

By. Clahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo digniin ka soo saaray maleeshiyaadka amniga qalqalgalinaya

Muqdisho (SONNA): Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Korneyl Mahdi Cumar oo shir jaraa’id…

June 4, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wafdi ka socda Hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) oo Muqdisho soo gaaray

Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Xaaji Aadan ayaa maanta garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde…

GudahaWararka
November 2, 2024

Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee KGS oo qaabilay guddoomiyaha Urur siyaasadeedka SINCAD

Baydhabo (SONNA): Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Kullan la yeeshay…

GudahaWararka
April 24, 2026

Waxgaradka gobolka Awdal oo ka horyimid damaca gurracan ee Itoobiya

Muqdisho,(SONNA):-Salaadiinta,Odayaasha dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwaan ee  gobolka Awdal ayaa si isku mid ah uga soo horjeestay heshiis ku…

GudahaWararka
January 25, 2024

Shacabka Xudur oo maanta tukaday Salaad roob doon ah

Muqdisho(SONNA):-Magaalada xudur ayaa markale maanta waxa lagu tukaday salaad roob-doon oo alle looga baryayo nimcadiisa, xilligaan oo gu'ga wali si…

GudahaWararka
May 17, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023