Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha CXD oo kormeeray Xerada Ciidanka DANAB ee Galmudug
    May 17, 2026
    Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo ka qeyb galay Madal Caalami ah
    May 17, 2026
    Maxaa looga hadlay shirka toddobaadlaha ee Golaha Wasiirada XFS?
    May 17, 2026
    Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo lagu soo dhoweeyay London
    May 17, 2026
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo bogaadiyay Kaalinta Hobollada Qaranka ee Wacyigelinta Dadweynaha
    May 17, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday dhacdadii dhawaan ka dhacday Muqdisho
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday dhacdadii dhawaan ka dhacday Muqdisho
GudahaWararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday dhacdadii dhawaan ka dhacday Muqdisho

By Aadan Sooyaal
Last updated: February 3, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):- Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa maanta shirguddoomiyey Kalfadhiga 4aad kulankiisa 14aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS

Kulanka maanta ee Golaha  ayaa ajandihiisu waxa uu ahaa Akhrinta 1aad ee Hindise -Sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa Mudanayaasha Golaha Shacabka ka hor akhrisay Hindise -Sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga Ah si waafaqsan Qodobka 84aad (4) ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.

Xildhibaanada ayaa aragtidooda ka dhiibtay mabda’ guud iyo ujeedada Hindise-Sharciyeedka, iyaga oo Su’aalo ka weydiiyay wasiirka Hindise -Sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa faray Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” in uu ku wareejiyo Guddiga Kushaqada lah si ay Akhrinta 2aad ay ku soo biiriyaan talo soo jeedinta iyo turxaan bixinta Mudanayaasha Golaha Shacabka BJFS.

Intaasi kadib Guddoomiye Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa tacsi tiiraanyo lah udiray Dhamaan Shacabka Soomaliyeed gaar ahaan ehelka ay kabaxday Allah unaxariistee Marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed asigoona sheegay in laamaha Amniga looga fadhiyo in sida ugu dhaqsiyaha badan ay gacanta ugu soo dhigaan gacan ku dhiigalaha falkaas arxan-darada ah geestay.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa si adag ugu dooday dilka uu Ninkeeda ugeestay iyada oo noolna dab qabadsiiyay Marxuum Luul Cabdicasiis Maxamed oo u shaqayn jirtay 6 carruur oo agoon ah iyadoo xaamila ah.Xildhibaanada oo doodoodii siiwatay ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay inaan wali la soo qaban eedeysanaha, waxa ayna Hay’adaha amniga, Iyo garsoorka ay fareen in ay xil wayn iska saaraan gacantana lagu soo dhigo eedeysanahaas.

Ugudanbeynt Guddoomiyaha oo soo xiray kulanka maanta ayaa faray guddiga Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu howlgalaan dhacdadaan ayna u yeeraan laamaha amiga iyo garsoorka warbixin dag dag ahna ay ku sooceliyaan fadhiga Golaha.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Taliyaha CXD oo kormeeray Xerada Ciidanka DANAB ee Galmudug

Muqdisho,(SONNA):- Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka S/Guuto Ibrahim Maxamed ayaa Kormeer shaqo ku tegay Xerada Ciidamada…

May 17, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka Kenya oo dilay xubno ka mid ahaa Al-Shabaab

Nairobi-(SONNA)-Ciidanka difaaca Dalka Kenya ee KDF loo yaqaan ayaa toogasho ku dilay Saacadihii lasoo dhaafay Afar ka mid ahaa Argagixisada…

Wararka
January 3, 2020

Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay qoysas danyar ah

Muqdisho,(SONNNA):- Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa maanta Xaafada Weydow ee degaanka Garasbaaley waxa ay gargaar ugu qeybisay…

GudahaWararka
July 13, 2023

Ruushka iyo Faransiiska oo wada-xaajood ugu baaqay Azerbaijan iyo Armeina oo dagaal ka dhexeeyo

Moscow (SONNA)- Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhigiisa Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku baaqay xabad joojin deg deg ah sameeyaan…

CaalamkaWararka
October 1, 2020

Ra’iisul wasaare Xamse oo ku bogaadiyey Golaha Baarlamaanka ansixinta dhamaystirka Dastuurka

Muqdisno-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku boggaadiyey Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka…

GudahaWararka
March 30, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023