Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maxaa looga hadlay shirka toddobaadlaha ee Golaha Wasiirada XFS?
    May 17, 2026
    Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo lagu soo dhoweeyay London
    May 17, 2026
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo bogaadiyay Kaalinta Hobollada Qaranka ee Wacyigelinta Dadweynaha
    May 17, 2026
    Wasiirka Cadaaladda oo furay tababar aqoon kororsi oo loo qabtay saraakiisha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed
    May 17, 2026
    Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyey kulan looga hadlay Hindisaha Xeerka Maamulka Goleyaasha Degmooyinka
    May 17, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Wasiirka Warfaafinta XFS oo bogaadiyay Kaalinta Hobollada Qaranka ee Wacyigelinta Dadweynaha
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Warfaafinta XFS oo bogaadiyay Kaalinta Hobollada Qaranka ee Wacyigelinta Dadweynaha
GudahaWararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo bogaadiyay Kaalinta Hobollada Qaranka ee Wacyigelinta Dadweynaha

By Dahir Aadan Cali
Last updated: May 17, 2026
2 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed, halkaas oo uu kula kulmay bahda Hobollada Qaranka, fanaaniinta, ciyaartoyda iyo guud ahaan Shaqaalaha ka howlgala Wasaaradda.

Wasiirka ayaa waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay Maareeyaha Golaha Murtida iyo Wacyigelinta Qaranka Mudane Cismaan Cabdullaahi (Abwaan Guure), oo warbixin kooban ka siiyay xaaladda guud ee Tiyaatarka Qaranka, shaqooyinka hobollada iyo dadaallada lagu horumarinayo fanka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Intii uu kormeerka ku guda jiray Wasiirka, waxaa gudaha Tiyaatarka Qaranka loogu qabtay kulan soo dhoweyn iyo warbixin isugu jirtay oo ay ka qeybgaleen qeybaha kala duwan ee hobollada, fanaaniinta iyo ciyaartoyda masraxa, kuwaas oo Wasiirka la wadaagay xaaladda guud ee Tiyaatarka, caqabadaha jira iyo dadaallada lagu horumarin karo shaqada fanka iyo dhaqanka.

Wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa si gaar ah u bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee Hobollada Qaranka Soomaaliyeed ku leeyihiin wacyigelinta bulshada, xoojinta nabadda, ilaalinta dhaqanka Soomaaliyeed iyo kobcinta midnimada bulshada, isagoo xusay in hobolladu ay door muuqda ka qaateen marxaladihii kala duwanaa ee dib-u-dhiska dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale ballan qaaday in Wasaaraddu mudnaan gaar ah siin doonto horumarinta xuquuqda hobollada iyo fanaaniinta Soomaaliyeed, isla markaana laga shaqeyn doono dib-u-dhiska iyo casriyeynta Tiyaatarka Qaranka si uu mar kale u noqdo xarun hormuud u ah dhaqanka, suugaanta iyo madadaalada bulshada Soomaaliyeed.

“Hobollada Qaranku waa laf-dhabarta dhaqanka iyo wacyigelinta bulshada. Dowladda waxaa ka go’an ilaalinta xuquuqdooda iyo dib-u-soo nooleynta doorka muhiimka ah ee Tiyaatarka Qaranku ku leeyahay bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiirka.

Kormeerkan waxaa sidoo kale Wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo qaar kamid ah Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda, kormeerkan ayaana qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ay ku xoojineyso horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed iyo dib-u-soo celinta kaabeyaasha muhiimka ah ee dhaqanka iyo fanka dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maxaa looga hadlay shirka toddobaadlaha ee Golaha Wasiirada XFS?

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan ayaa looga hadlay Qorshaha…

May 17, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Lafta gareen oo Magacaabay Wasiirrada warfaafinta iyo macdanta

Baydhabo-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya, C/casiis Xasan Maxamed (lafta-gareen) ayaa Maanta wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa ku Magacaabay Laba xubnood…

Wararka
July 4, 2020

Wasiir Beyle: Waxaa naga go’an inaan horumarino wax soo saarka iyo fikrdaha cusub ee dadkeena

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda federaalka Soomaaliya Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta…

GudahaWararka
April 4, 2021

Khawaarijta oo Jubbooyinka isaga dishay 10 xubnood

Jilib-(SONNA)-Ugu yaraan 10 dhagar-qabe oo ka wada tirsan ayaa ku geeriyootay labaatameeyo kalana dhaawacyo xooggan ayaa kasoo gaaray dagaal culus…

GudahaWararka
April 15, 2023

DEG DEG: Kooxda Horseed oo markeedii lixaad ku guuleysatay Koobka General Daa’uud.

Muqdisho(SONNA)- Kooxaha Horseed iyo Muqdisho City Club ayaa galabta ku ballansan garoonka Eng Yariisow ciyaarta final-ka koobka xiisaha badan ee…

CiyaarahaGudaha
January 21, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023