Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Ruushka iyo Faransiiska oo wada-xaajood ugu baaqay Azerbaijan iyo Armeina oo dagaal ka dhexeeyo
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Caalamka > Ruushka iyo Faransiiska oo wada-xaajood ugu baaqay Azerbaijan iyo Armeina oo dagaal ka dhexeeyo
CaalamkaWararka

Ruushka iyo Faransiiska oo wada-xaajood ugu baaqay Azerbaijan iyo Armeina oo dagaal ka dhexeeyo

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 1, 2020
2 Min Read
Share
Russian President Vladimir Putin (R) and French President Emmanuel Macron (L) wave upon their arrival at the Versailles Palace, near Paris, on May 29, 2017, ahead of their meeting. French President Emmanuel Macron hosts Russian counterpart Vladimir Putin in their first meeting since he came to office with differences on Ukraine and Syria clearly visible. / AFP PHOTO / STEPHANE DE SAKUTIN (Photo credit should read STEPHANE DE SAKUTIN/AFP/Getty Images)

Moscow (SONNA)- Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhigiisa Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku baaqay xabad joojin deg deg ah sameeyaan dawladaha Armenia iyo Azerbaijan oo muddo ku dhaw todobaad ku dagaalamaya gobolka Nagorno-Karabakh ee ku yaal xuduudda labada wadan.

Dagaalkaas oo ciidamada labada wadan ay isku adeegsadeen hub culus ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 100-qof, waxaana ay Azerbaijan sheegtay inay Armenia ka qabsatay ciidan, saanad dagaal iyo fariisimo ay ciidankeedu isticmaalayeen.

“Vladimir Putin iyo Emmanuel Macron waxay ugu baaqeen dhinacyada dagaalamaya inay joojiyaan xabada sida ugu dhaqsiyaha badan, in xiisadda la qaboojiyo oo la muujiyo xakameynta ugu sareysa,” aqalka Kremlin-ka ayaa ku yiri hadal uu soo saaray goor hore oo Khamiista maanta ah.

Xiriir ay taleefanka ku yeesheen labada hoggaamiye waxay ka wada hadleen inay muhiim tahay in la xoojiyo doorka ururka OSCE ee nabadgalyada iyo iskaashiga Yurub, ayna ka shaqeeyaan sidii colaadaasi loo joojin lahaa.

Hoggaamiyayaashu waxay muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin inay bayaanka ay soo saareen iyaga oo ku hadlaya magaca guddoomiyeyaasha kooxda Minsk oo la isku yiraahdo Ruushka, Faransiiska iyo Mareykanka, kuwaas oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka oo la bilaabo wadahadallada, ayuu intaas kudaray aqalka Kremlin-ka.

Labada dhinac ee Armenia iyo Azerbaijan ayaa waxaa dhexmaraya dagaalkii ugu cuslaa ee sanado ka dhaca gobolka Nagorno-Karabakh oo ka tirsan gobolka Armenia ee qowmiyadeed kaas oo ka go’ay Azerbaijan sanadii 1990-yadii markii Midowgii Soofiyeeti burburay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

SoDMA oo magacawday Agaasimaha Santuuqa Maareeynta Khataraha Musiibooyinka

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay'adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa u Magacabay Cabdullaahi Maxamuud Diiriye, Agaasimaha Santuuqa Qaran ee…

GudahaWararka
September 10, 2025

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa guddoomiyey shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Koonfur Galbeed,…

GudahaWararka
January 25, 2026

Wasiirka Awqaafta XFS oo kulan la qaatay hoggaanada siyaasadda iyo wacyigelinta ee Ciidanka Xoogga Dalka

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta  iyo Arrimaha Diinta JFS Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa maanta xafiiska ku qaabiley hoggaanada siyaasadda iyo wacyigelinta…

GudahaWararka
January 1, 2024

Xafiiska Hantidhowrka oo Faray masuuliyiinta gacanta ku haya Baabuurta Dowladda in ay soo celiyaan

Muqdisho(SONNA):-Xafiiska Hantidhowrka guud ee Qaranka oo ka duulaya ilaalinta iyo maamul wanaagga Hantida dowladda waxa uu ku wargelinayaa dhammaan mas’uuliyiinta…

GudahaWararka
October 10, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023