Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
    Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA
    September 5, 2025
    Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo Shir uga qayb galay Dublin
    September 5, 2025
    Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo qado sharaf u sameeyey wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
    September 5, 2025
    Wasiir dowlaha wasaaradda tamarta iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Shir uga qayb galay Accra
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: ‘waxaa la soo gaaray meeshii aad uga hari lahaydeen’ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘waxaa la soo gaaray meeshii aad uga hari lahaydeen’ (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

‘waxaa la soo gaaray meeshii aad uga hari lahaydeen’ (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 18, 2024
7 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Sida ay xaqiijisay Haya’adda duulimaadyada Rayidka Soomaaliyeed  ayaa sheegtay in duulimaad Lambarkiisu yahay 8372 ee Ethiopian Airlines oo aan fasax haysan ay hawada ka celisay Waaxda Hawada Dowlada Federaalka Soomaaliya diyaaradan ayaa rabtay inay ku degto magaalada Hargeysa, iyadoo si KMG ah Duulimaayada Diyaarada Ethiopian Airlines loo joojiyay, iyadoo Xogtaan ay xaqiijisay in Captain-ka Diyaarada uu ku wargeliyay Qeybta hawada inay la socdaan Wafdi (VIP) ah oo ka socda Dowlada Ethiopia, kana soo duuleen Garoonka Diyaaradaha Addis Ababa, kuna socotay madaarka Hargeysa, waxaa lagu wargeliyay in aan loo ogolayn in uu soo degto kuna laabto bartii uu ka soo kacay.

Saraakiisha Hay’adaha Hawada ayaa ku wargelisay Captain-ka in marka hore ay soo weydistaan Fasax, laguna amray inay dib ugu noqdaan Addis Abeba.

Ilo ku dhow dhow Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegay in diyaarada shalay subax la celiyey ay aheyd mid khaas ah oo loo yaqaan ( VIP AIRLINE) waxaana la socday wafdi sare oo dowladda Itoobiya ah, taasoo numberkeedu ahaa ETH8273, balse diyaarad kale oo goor dhow ka degtay Hargeysa ay aheyd mid rakaab ah ayaa aheyd diyaaradda rakaabka shacabka ah ee maalinlaha u degi jirtay oo numberkeedu yahay ETH372. Tan ayaa cadeyneysa inay labada diyaarad kala duwan yihiin, oo aysan shaqo isku laheyn.

Maamulaha shirkadda Ethiopia Airlines, Mesfin Tasew, oo waraysi siiyey laanta Af-Amxaariga ee idaacadda BBC ayaa xaqiijiyey in dib loo celiyey diyaarad shirkadddaasi leedahay oo shalay ka soo degi laheyd garoonka diyaradaha ee Cigaal Airport ee magaalada Hargeysa.

Diyaaraddan oo duulimaad lamberkeedu ahaa ET372 ayuu Agaasimuhu sheegay in aanay ogolaanshiyaha gelista hawada ka helin Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo keentay inay dib ugu laabto magaalada caasimadda ah dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa weysay 80% tickets-kii dadka Soomaaliyeed ee diyaaradeeda macaamiisha ka ahaa. $1.44M ay shirkada bishii ka sameyn jirtay kaliya duulimaadyadeedii Addis Ababa iyo Mogadishu ayay ku  lumisay 10-kii maalmood ee ugu dambeysay 80% ( $1.12M ), waxaana la qiyaasayaa inay intaasi kas ii hoos mari doonto, sida uu qoray wargeyska THE EAST AFRICAN ee k soo baxa wadanka Kenya.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa siisay “reject”codsi ay wadatay diyaar laga leeyahay dalka Itoobiya taas oo sidday wafdi Itoobiyaan ah oo doonayay in ay tagaan magaalada Hargeysa ee Gobalka Waqooyi Galbeed, Diyaaraddaasi oo ay Hay’adda Duulista ay ka celisay Hawada Soomaaliya, iyadoo Diyaaradda Sidday wafdiga Itoobiyaanka ahaa, ayaa waxaa qasab ku noqotay in ay ku laabato magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia.

“In Itoobiya ay ka meeraysato shir-madaxeedkii IGAD ee ay Soomaaliya dalbatay waxay guul u tahay Soomaaliya, waxayna go’doon gelinaysaa Itoobiya, waxaa kaloo cadeyn u ah gablanka ku dhacay diblomaasiyada Itoobiya in IGAD oo ahaan jirtay madal ay ka atoorayso ay maanta ka dhuumanayso. Waa Alle mahadii in uusan Abiy maanta lahayn tabar uu taako dhulkeenna ku qaato. Dawlada waxaa laga rabaa in ay mudnaanta siiso midnimo gudaha ah, dadkana ku xulato karti iyo aqoon lagu kasbado dunida, loogana garnaqsado fagaarahaasha caalamiga ah”, sisaasi waxa yiri Prof. Cusmaan Cali yuusuf.

“Duni waxaan joognaa Urarkii IGAD oo ahaa maqaayad ay leedahay Ethiopia oo markii ay ka weysay 1 dal oo ku tageersan boobka badaha Somalia ay iskaga carartay Kaqayb-galka Shirkii IGAD. Aby Ahmed waxa uu karaamada ka qaaday siyaasadii arimaha dibada Ethiopia oo mar aheed hormuudka Diblumasiyada Bariga iyo Bartamaha Africa. Shirka Isagoo ka maqan ayaa laga soo saari doonaa War-Murtiyeed u quus goyn-doona damaciisa caruurnimada ah.Hadii IGAD looga adkaado shaki kuma jiro in looga adkaan doono African Union IYO Security Councilka”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Mareykanku uu wadamada uu saaxiibada la yahay la kaashanayo arrinta damaca Itoobiya Dhulka Soomaaliya, si ay uga horyimaadaan is-afgaradkii sharci-darrada lagu tilmaamay ee ay wada saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland.

“Fircoon nin talo xun ayuu ahaa si uu u sii socday reerkiisa naarta ayuu dalaqsiiyay, kanna soo u sii socday lafti nagaa ayuu dalaqsiiyay”. Sidaasi waxa yiri Ra’iisul-wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo sifeynayay talo xumada uu wado Muuse Biixi, “waxaa la soo gaaray meeshii aad uga hari laheydeen”, isagoo shacabka Soomaaland la hadlaayay ayuu sii raaciyay.

Dhinca kale Shir deg deg oo ay isugu yimaadeen shalay oo Arbaco ah Wasiirada Arrimaha dibadda dalalka jaamacadda Carabta, oo uu khudbad dhanka fogaaan arag ah ka jeediyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, loogana hadlay damaca Guracan ee Itoobiya ku raadinayso qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa soo saaray Qaraarka Number-kiisa yahay 8988, iyagoo isku raacay In la xoojiyo taageerada amniga, xasilloonida, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhulka Soomaaliya, sido kale la ilaaliyo madaxbannaanida Soomaaliya ee Barriga, Badda iyo Cirka.

Wasiirrada ayaa tilmaamay in Soomaliya ay xaqa ay u leedahay inay si sharci ah ku difaacdo dhulkeeda, sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaranneed Qaramada midoobay iyo kan Jaamacadda Carabta, iyadoo la taageerayo tallaabo kasta oo ay go’aansadaan inay qaadaan, waxaa kaloo goluhu taageero buuxda lala garab istaago mowqifka dawladda Soomaaliya ee u ku aadan heshiis beenaadka ah ee 1/1/2024 ay ku wada saxeexdeen Itoobiya iyoSomaliland, kaas oo ay sheegeen in uusan waxba ka jirin oo aan la aqbali Karin, tasoo ay ku tilmaameen inay tahay ku xad-gudub bareer ah oo loo geystay mabaadi’da sharciga caalamiga ah, iyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha amniga iyo nabadgalyada ee Midowga Afrika ayaa muujiyay sida ay lama taabtaan u tahay ilaalinta madaxbanaanida dhuleed iyo Bulsho ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, xilli ay Ethiopia wali isku dayayso damaceeda waalida ah ee ku xadgudubka Soomaaliya, wuxuuna Goluhu hoosta ka xariiqay waajibnimada ilaalinta Xeerka Midowga Afrika oo meesha ka saaraya in aan lagu xadgudbi karin Madaxbanaanida iyo midnimada Dalalka, waxaa kale ee uu soo dhaweeyay Shirka Madaxda IGAD, kaasi oo isla arinka xadubka Ethiopia looga hadlayo.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo…

September 5, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Kenya oo qaabilay safiirka Soomaaliya ee Kenya

Nairobi (SONNA): Madaxweynaha dalka Kenya William Samoei Ruto ayaa xarunta Madaxtooyada dalka Kenya ku qabtay kulan gaara uu kula kulmayay…

GudahaWararka
February 10, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Sheegay In Jadwalka Doorashooyinka la Shaacin Doono Todobaad Gudihiis

Muqdisho, (SONNA):- Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xassan, ayaa sheegay in jadwalka doorashooyinka qaranka ay soo…

GudahaWararka
January 9, 2025

Wasiir Dowlaha Arrimaha dibedda XFS oo la kulmay xoghayaha guud ee aagga ganacsiga Xorta ah ee Midowga Africa

Addis Ababa(SONNA):-Wasiiru Dawlaha ahna sii hayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee XFS oo la kulmey xoghayaha guud ee aagga ganacsiga Xorta…

GudahaWararka
February 17, 2024

Madaxweynaha Jabuuti oo Hadal ka jeediyey Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo hadal ka jeediyey Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee labadiisa aqal ayaa sheegay in dowladda…

GudahaWararka
December 29, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023