Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ah kusoo xiray Muqdisho
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ah kusoo xiray Muqdisho
GudahaWararka

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ah kusoo xiray Muqdisho

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 18, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho kusoo xiray shir heer Qaran ah oo looga tashanayay dhismaha Istaraatijiyadda Qaranka ee Anticipatory Action, taas oo hagaysa diyaar-garowga iyo jawaab celinta masiibooyinka dalka.

Shirka oo socday muddo saddex maalin ah ayaa laga soo saaray qodobo wax-ku-ool ah oo kor u qaadaya awoodda dalka ee maareynta masiibooyinka.

Daahfurka Istaraatijiyaddan Qaranka ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda Soomaaliya ee saadaalinta aafooyinka iyo qaadashada tallaabooyin degdeg ah oo badbaadin kara nolosha iyo hantida bulshada.

Mas’uuliyiin sare oo ka socday DRC, FAO, WFP, iyo IGAD ayaa jeediyay hadallo hambalyo ah, iyagoo bogaadiyay ruuxa iskaashiga ah isla markaana xaqiijiyay taageeradooda sii socota ee lagu xoojinayo hawlgelinta hore ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha SoDMA ayaa si rasmi ah usoo xiray shirka, isaga oo sheegay in khariiddadan ay tahay natiijada shaqo farsamo oo qoto dheer, wadatashi Qaran iyo iskaashi xooggan oo dhexmaray Hay’adaha dowladda, IGAD, iyo bah-wadaagta. Khariiddada waxaa lagu taageeray mashruuca SCALAA oo ay maalgelisay DG ECHO, waxaana fulinaya WFP, FAO, IFRC, DRC iyo ICPAC.

Geeddi-socodkan wuxuu muujinayaa ballanqaadkeena wadajirka ah ee ku aaddan diyaar-garow la saadaalin karo, la isku waafaqsan yahay, kana fog xasaradaha.

Bilihii lasoo dhaafay, waxaa la qabtay wadatashiyo heer Qaran ah, falanqeyn farsamo, iyo kulamo dib-u-eegis ah oo ay ka qayb galeen Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Wasaaradaha kala duwan ee dowladda iyo khubaro ka kala socday hay’adaha bani’aadamnimo iyo kuwa horumarinta. Kulamadan waxay xaqiijiyeen in khariiddadu ku saleysan tahay caddeyn ay la jaanqaadaysay xaaladda dalka, isla markaana ay si buuxda ugu habboon tahay baahiyaha jira.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Bandhig ku saabsan hal abuurka dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho

Maamulka Wasaaradda Beeraha XFS ayaa Magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu soo bandhigaayey hal abuurka dhallinyarada  ee dhinaca wax soo…

Gudaha
September 12, 2025

Howlgallo ciidan oo lagu sugaayey amniga oo ka dhacay duleedka Berdaale

Wasiirka Wasaarada Amniga gudaha Koonfur Galbeed Mudane Xasan Cabdiqaadir Maxamed, Gudoomiyaha gobolka Baay Maxamed Xasan Caracas iyo Talisyada kala duwan…

Gudaha
May 31, 2024

Hoygii uu ku dhashay Hitler oo loo aqoonsaday xarun Boliis

Guriga uu ku dhashay hoggaamiyihii hore ee dalka Jarmalka Adolf Hitler ayaa noqon doona ama  loo badalay saldhig boolis,sida uu…

CaalamkaWararka
November 20, 2019

R/wasaaraha Norway oo madaxweynaha JFS telfoonka ugu hambalyeysay 60-guurada xorriyadda Soomaaliya

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Khadka taleefanka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Norway Marwo Erna Solberg.…

GudahaWararkaWargayska
July 3, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023