Ciidanka Ammaanka oo dibadda u soo saaray miino kooxda Al-shabaab ay ku qariyeen Baladweyne

La wadaag cid kale

Baladweyne.(SONNA)…Ciidamada Ammaanka ee ka howgala Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa ku guuleystay in magaalada Baladweyne ay Ka soo saaray miino kuwa dhulka ah oo la doonayey in waxyeello loogu geysto dadka rayidka ah .

Miinadaasi oo laga soo saaray wadada u dhexeysa magaalada Baladweyne iyo Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif,ayaa warku intaa ku daray in ay timid ka dib kolkii dadka deegaanka ay ciidamada ku wargaliyeen in kooxda al-shabaab ay halkaasi ku aaseen miino.

Ciidamada ammaanka ayaa howlgal ay ka fuliyeen gudaha Baladweyne ku qabtay laba ruux oo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen aasidda miinadaasi

Dhinaca kale Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya shacabka ku dhaqan degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulaburde ee gobolka Hiiraan ayaa wada howlgallo lagu baacsanaayo kooxda Al-shabaab.

La wadaag cid kale