Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xarunta safaaradda Dowladda Shacbiga ee Shiinaha kula kulmay Danjiraha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada warfaafinta, warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay muhiimadda iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa Dowladda Shacbiga ee Shiinaha uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal guud ahaan, gaar ahaan dhinacyada Warfaafinta, Warbaahinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska. Wasiirku waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda wadajirka labada dal ee ka hortagga xadgudubyada lagula kacayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee labada waddan.
Danjire Wang Yu ayaa dhankiisa si diirran u soo dhoweeyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta, isaga oo bogaadiyay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal. Danjiruhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Dowladda Shiinaha ay ka go’an tahay sii wadidda taageerada Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada mudnaanta u leh labada dal, oo ay ku jiraan Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.
Ugu dambayn, labada dhinac ayaa isku raacay in la dardargeliyo lana sii ambaqaado kor u qaadista xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Dowladda Shacbiga ee Shiinaha, si loo xoojiyo danaha wadaagga ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal.
